Waxay yiraahdaan ‘Soomaaliya waa halka ugu xun ee dhallinyaro lagu noqdo adduunka’, marka aad weedhaas maqasho uma baahnid sharraxaad badan oo ku saabsan sababta sidaas loo yiri, kaliya waxaad u baahan tahay in aad u fiirsato tirada dhallinyarada ah ee la askareeyay iyo kuwa dagaallada ku dhintay.

Laakiin, dhallinyarada Soomaaliya sidaas oo dhan uma rajo xuma marka laga hadlayo fursadaha waxbarasho ee ay dalka
gudihiisa ka heleen tobon iyo dhowrkii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn oo muuqaalka iska caadiga ah ee lagu waa bariisto uu yahay dhallinyaro xiran dareyska iskuulka oo u dareeraya xarumaha waxbarashada.

Dadaalladaas waxaa la hirgeliyay oo howlahaas ay qabsoomeen iyadoo aysan jirin dowlad ay Soomaaliya leedahay – iyada ayay ahayd in ay fidiso adeegga daruuriga ah ee waxbarashada. Balse waligeed lagama quusanin rajada laga qabay in la helo
dowlad xilkeeda gudata oo ubadka siisa mustaqbalka ay u baahan yihiin ee waxbarashada.

Sanadkii 2012-kii ayay u ekaatay in rajadaas la heley kaddib markii ay dhalatay dowlad aan kumeel gaar ahayn, xiligaasi oo hadda laga joogo 3 sano.

Adeegyadii waxbarasho ee dowladda laga filayay oo qeybo badan ka kooban waxaa kaliya ka suurtagalay hal sheey oo ah in
markii ugu horeysey ay wasaaradda waxbarashada qaaddo imtixaam mideysan.

Balse waxaa arrintaas ka hor yimid 12 dallad oo gacanta ku haya 517 iskuul oo dalka ka furan, iyagoo sabab uga dhigay
in dowladda ay uga baxday heshiis ay horay u wada gaareen oo ku saabsanaa farsamo ahaan qaabkii imtixaanka loo qaadi lahaa.

Dalladaha markii ay diideen in ay wareejiyaan liiska ardayda dhameysatay waxbarashada dugsiga sare, isla markaasina
gaarkooda u qaadeen imtixaanaadka ayaa waxay dowladda dhankeeda ku adkeysatay in ay imtixaamka qaaddo, taasi oo
iyaduna hirgashay.

Ilaa 7 kun oo arday ayaa u fariisatay imtixaamka dowladda, halka ay ka baaqsadeen 10 kun oo kale, waana halkani meesha ay dhibaatada ugu weyn ka jirto.

Dowladda waxay sheegtay in aysan shahaadada dugsiga sare siin doonin ardaygii aan imtixaanka galin, taasi oo
micnaheedu uu yahay in ilaa 10 kun oo arday aysan dowladda ka heli doonin shahaadadoodii dugsiga sare.

Cabdi Cali waa mid ka mid ah ardayda dhameysatay waxbarashada dugsiga sare, wuxuu kasoo jeedaa qoys sabool ah oo deggan Muqdisho, aabbihiis wuxuu ka shaqeeyaa carro-kaawada, halkaas oo uu kasoo saaro biilka reerka iyo kharashka waxbarashada wiilkiisa. Cabdi ma uusan galin imtixaanka dowladda.

Aabo Cali wuxuu leeyahay “Dhibaato badan ayaan wiilkeyga wax kusoo baray, aniga oo waliba u baahan xooggiisa iyo in uu ila qabto shaqada adag ee aan hayo, ayaan haddana doorbiday in uu waxbarto oo aan ku bixiyo kharash aanan awoodin, nasiib-darro dowladdii Soomaaliyeed ee ay ahayd in ay wax barto, balse kaalintaas ka soo bixi waysay ayaan hadda wiilkeyga siin doonin shahaadadii waxbarashadii uu soo dhameystay.” Wuxuu intaas ku daray “Sidee adigu dareemi lahayd haddii ay taasi kugu dhici lahayd?”

Cabdi oo aan isna la hadalnay wuxuu sheegayaa in uu aad u walwalsan yahay, “waan jiho wareersanahay, cabsi aan ka qabay hanjabaaddii Al-Shabaab ee ahayd in ay qarxineyso goobaha imtixaamka lagu galayo darteed ayaan uga baaqsaday in aan imtixaanka galo, haddana mustaqbalkeygii oo dhan ayaa mugdi ku jira” ayuu yiri.

Anisa Xuseen oo iyaduna ka mid ah ardeyda aan imtixaamka u fariisanin waxay eedda saareysaa dalladaha “Waa ay na qaldeen, ma ahayn in ay nagula taliyaan in aan imtixaanka diidno, maanta waakaas dadkii facayga ahaa imtixaankii dowladda ayay galeen, waxayna sugayaan shahaadada, aniga halkeen aadayaa shahaadada dowladda la’aanteed? Waxaan rabay in aan Malaysia jaamacaddeyda kusoo dhameysto” ayay tiri.

Dugsiyada hoos taga dalladaha waxaa sanad-dugsiyeedkii dhamaaday ee 2014-2015 xaadirtay 287 kun oo arday. 17,254 arday oo tiradaas ka mid ah waxay u fariisteen imtixaanka fasalka 12-aad ee lagu dhameeyo dugsiga sare, sida lagu caddeeyay qoraal ka soo baxay dalladaha.

Caqabadda ugu weyn ee soo wajihi doonta ardayda aanan imtixaanka dowladda galin ayaa ah in wasaaradda aysan siin doonin shahaadada dugsiga sare, taasi oo ka hor istaagi doonta fursadaha waxbarasho ee dibadda sida deeqaha iyo waliba waxbarashada qofka iskiis u doonanayo.

Hase yeeshee, jaamacadaha gudaha ayaa iyagu la sheegey in ay aqbali doonaan ardayda wadata shahaadada dalladaha iyo tan dowladda labadaba.

Dalladaha wali kama aysan hadlin muranka taagan tan iyo intii ay dowladda imtixaanka qaadday, mana aysan soo daabicin shahaadooyinka ardaydii ay imtixaanka ka qaadeen, waxaana la mid ah wasaaradda oo aanan wali bixin shahaadooyinka.

Waxay u egtahay in labada dhinac ay is fiirsanayaan, uusanna jirin wax tanaasul iyo dabacsanaan ah oo laga sameeyay arrinka, iyadoo ardaydii Soomaaliyeed ee markii horaba sida dhibka badan wax kusoo bartay uu meesha ku khasaarayo halgankoodii nolosha.

W.Q: Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo)