Ciidanka dalka Jabuuti ee ku jira howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in aysan mushaar qaadan tan iyo December sanadkii 2018kii.

Wargeyska Indian Ocean Newsletter ayaa qoray in Midowga Afrika uu bixiyay mushaarka Ciidanka Jabuuti ee ku jira AMISOM hayeeshee dowladda Jabuuti aysan ciidankeeda siinin mushaarkii ay la haayeen.

Guutada lixaad ee Ciidanka Jabuuti oo beddelay midda afaraad ee ku sugnaa Jalalaqsi ayaa la sheegayaa in tan iyo xilligaas aysan wax mushaar ah qaadan.

Midowga Yurub oo bixiya Mushaarka AMISOM ayaa lacagtaas ku wareejiyay Midowga Afrika,waxaana Askarigiiba helayaa bil kasta lacag dhan $800 oo doollarka Mareykanka ah iyada oo Midowga Afrikana ku wareejiyay dowladda Jabuuti.

Midowga Yurub ayaa 20% dhimay mushaarka Ciidanka AMISOM sanadkii 2016kii,waxaa ay sidoo kale dowladaha ay Ciidamadaas ka socdaan ayaa waxaa ay sii jartaan 20% oo ah waxa lagu sheegay qarashaadka maamulka.

Askariga ayaa waxaa u soo haraya $800 doollar bilkasta, taas oo inta badan Askarta kale ay qaataan hayeeshee kuwa Jabuuti ka cabanayaan in aan wali la siin lacagtaas.