Ma ogtahay in cunista Looska uu faa’iido badan u leeyahay caafimaadka.

Wargayska  Time.com oo kasoo baxa dalka Maraykanka  ayaa maanta oo Isniin ah daabacay warbixin iyo daraasaad dheer oo lagu sameeyay faa’idada uu caafimaadka u leeyahay cunista Looska.

Daraasaad qaatay mudo dheer oo lagu sameeyay Looska ayaa waxaa lagu ogaaday in dadka marwalba cuna Looska inay ka caafimaad badan yihiin marka loo eego dalka kale ee aan cunin looska.

Daraasaadkan oo ay sameeyeen koox caalami ah laguna daabacay BMC Medicine ayaa waxaa lagu sheegay in Looska uu yaraynayo cudurada ku dhaca Wadnaha, Kansarka iyo waliba Sokorowga ama cudurka Kaadi-macaanka.

29 daraasaad ah oo lagu sameeyay looska lana waydiiyay 800,000 oo ruux ayaa waxaa la sheegay in 30% uu yareeyo cudurada wadnaha iyo inuu 15% uu yareeyo Kansarka halista ah.

daraasadan ayaa waxaa lagu muujiyay in sidoo kale Looska uu hoos u dhigayo 22% cudurada good ee Aadanaha ku dhaca.

40% ayaa lagu waramay in cunista Looska ay hoos u dhigto cudurka Soomaalida ay u taqaano Kaadi-macaanka.

Qof walba waxaa wanaagsan in maalintii ugu badnaan 20 garaam miraha Looska ag uu cuno ayaa lagu sheegay daraaasadan cusub.

Waraysi lala yeeshay in ka badan 800,000 oo qof oo aadka u cuna miraha looska ayaa waxaa laga dareemay caafimaad qabka jirka iyo dhaldhalaalkiisa.

TIME