Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Siciid Xuseen Ciid oo  ku sugan dalka Turkiga, ayaa la kulan gaar ah la qaatay madaxa Hay’adda TIKA, (Turkish Cooperation and Coordination Agency)   Dr Serdar ÇAM.

Wasiir Saciid  iyo Dr Serdar Çam, Madaxa Hay’adda TIKA, ayaa  ka wada hadlay sidii Hay’addaasi ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Beeraha Dalka, maadaama Soomaaliya ay leedahay dhul beereed aad u ballaaran, islamarkaana loo baahanyahay in laga faa’iideysto, si dhaqaalaha dalka loo horumariyo.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Hay’adda TIKA taageerada kala duwan ee ay u fidisay Soomaaliya, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi doonin marnaba taageerada walaalnimo ee ay ka heleen walaalahooda Turkiga.

Hay’adda TIKA ayaa ka mid ah hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo tan iyo sannadkii 2011 Dalka ka billaabay howlo samafal ah, iyadoo xilligaasi ay jirtay macluul aad u daran.