Tan iyo markii uu soo yeeray dhawaqa ah in Kenya ay darbi ka dhiseyso soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya ayaa waxaa isa soo taraya qeylo-dhaanta dadka Soomaaliyeed, iyada oo dibad-baxyo arrintaas looga soo horjeedo ay ka dhaceen meelo ka mid ah dalka.Dowladda Soomaaliya ayaa iyana dhankee-da kasoo horjeesatay xad-gudubka dhuleed ee la soo weriyay, iyadoo u dirtay wafdi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ka socday dowladda federaalka ah iyo maamulka-goboleedka Jubbaland.

Wafdiga ayaa markii uu Muqdisho ku soo laabtay ka warbixiyay wixii uu ku soo arkay meelihii uu tegay. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Jeneraal Cab-duqaadir Sheekh Cali Diini oo wafdigan hoggaami-nayay ayaa yiri “waxaan kormeer kusoo sameynay meelihii la inoogu sheegay in isbeddel lagu sameeyay ee xadka labada dal, waxaana soo ogaannay xaqiiqda meesha taalla, innaga oo qaadannay feker iyo talooyin aan dib ugula laaban doonno dowladda dhexe iyo cid walba oo ay khuseyso arrintan.” Xogtii ay wafdiga sii daayeen ayaa waxaa ay intaas ku dareysaa in god jooggiisu yahay 1.6 mitir, dhererkiisuna yahay 700 oo mitir in laga qoday meel 6 mitir u jirta calaamadda xudduudda. Sidoo kale waf-diga xaqiiqa raadinta ahaa ayaa ku arkay dhanka Beled Xaawo waddo la falay, taas-oo aan la ogeyn sababta iyo danaha laga lahaa. Waxaase uu wafdigu xaqiijiyay in aysan jirin darbi la dhisay ama dhismihiisu socdo oo kala qeybinaya xudduudda labada dal.

Damaca Kenya ee la xiriira dhul ballaarsiga ayaa ahaa mid sanadahan dambeba muuqday, kaddib markii ay dowladda Kenya sheegatay in ay leedahay dhul badeed Soomaaliyeed. Waxaase kiiska dacwaddaas labada dalba ay horgeeyeen maxkamadda Caalamiga ah ee Hague. Haddaba su’aalaha la isweydiinayo ayaa ah Kenya ma waxay kusoo xad-gudubtey soohdinta Soomaaliya mise caalama-daha muujinaya xayn-daabka ayay Soomaalidu diidday? Mise Soomaalidu guud ahaan waxaanay oggoleynba ka mid ahaan-shaha dhulkaas ee Kenya oo waxay soo cusboonay-siinayaan sheegashashada lahaanshaha dhulkaas Waqooyi-bari Kenya oo gumaystihii Ingiriisku u gacan geliyay Kenya?Dadka qaar waxa ay qabaan inaan arrimahaas la isku qasin, oo marka hore la caddeeyo in Kenya soohdin kusoo xadgudubtay sideedana looga jawaabo oo ay dowladda Soomaaliya deg-deg uga howl-gasho.

Aragti kale oo ay dadka qaar qabaan ayaa ah, haddii ay Kenya darbi ka dhisato xadka Soomaaliya, iyada oo u sababeynaysa khataraha amni ee ay sheegtay in ay uga imanayaan dhanka Soomaaliya in ay tahay mid ay gar u leedahay oo ay xudduuddeeda ku ilaas-hanayso.Kuwa kale ayaa qaba in darbi la kala dhex dhigo dadyowga Soomaaliyeed ee xudduudda labada dhinac ka deggan oo ah dad isu gudba, kala ganacsada, kala guursada, isuna ah waalid iyo walaal in darbigan uu sababayo kala qoqob iyo dhibaato hor leh oo aanay cidna dani ugu jirin.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in xild-hibaannada Soomaaliyeed qaar, iyaga oo aan warba u heyn waxa meesha ka jira ay warar iska sheegeen oo go’aamo lagu deg-degay soo saareen. Sal-fudeyd-kaas iyo hubsiino la’aan-taas waxa ay calaamad u tahay biseyl la’aanta qaar ka tirsan xubnaha golaha shacabka oo tan iyo intii howsha qaranka loo igma-day shaqadooda ay kusoo koobantay mooshin iyo ku-lamo aanay natiijo la taaban karo kasoo bixin, iyaga oo aad mooddo in aysan waqti badan gelin shuruucdii hor yaallay ee laga doonayay in ay meel mariyaan.

Waxaa sidoo kale dhaliil leh Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo aan tafaasiil cad ka siin dadweynaha waxa meesha ka jira. Waxaa waajib ku ah hay’adaha dowladda in ay shacabka u gudbiyaan cad-deymo iyo xogo rasmi ah si colaad aan loo baahnayn aan loo dhex dhigin labada dal.
War jiraaba cakaaruu iman.
W/Q: Adam Jama Ahmed
derbiga 1