Wakiillo ka kala socday dhinacyada ku hardamaya Libya ayaa isaga baxay wadahadalada nabadda ee qaramada midoobay ay garwadeenka ka tahay oo ka socday dalka Switzerland.

Arrintaan ayaa imaneysa iyada oo Qaramada Midoobay ay yididiilo ma muujisay in wadahadaladu sii socon doonaan.

Ahmaida Erouhma oo hoggaaminaya garabka fadhigoodu yahay bariga Libya ee hoos taga generaalka fallaagada ah ayaa sheegay in  diidmada kooxdooda ya  ku qotanto xulshada ay qaramada midoobay xulatay sideed   mid ah sadex iyo tobanka ay dhinacoodu u gudbiyeen si ay uga mid noqdaan ergada shirka ka qaybgaleysa.

Dhinaca kale dawladda caalamku aqoonsanyahay ee heshiis qaran ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli ayaa sheegtay in aysan ka qayb qaadaneyn wadahadalada ilaa iyio inta horumar laga sameynayo wadaxaajoodyada dhanka Militari.

Baarlamaanka dawladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya ayaa go`aan ku gaaray in lajoojiyo  ka qayb qaadashada wadahadalada inta  xal laga gaarayo  arrimaha muhiimka ah sida   hakinta hawlgalada miltari iyo ogolaashaha in ay dadkii barakacay dib usoo noqdaan.

Go`aanadaan halista ku ah wadahadalada ayaa imaanaya saacado kaddib markii hawlgalka Qaramada Midoobay ee Libya uu war qoraal ah ku sheegay in saraakiil sare  oo military oo labad dhinac ah ay  hoggaanadooda u gudbiyeen heshiis xabad joojin oo qabyo ah ka hor kulanka  lagu wado in uu qabsoomo bisha soo socota.

Qaramada Midoobay ayaa gadaal ka riixeysa qorshe  arbacada la iskugu keenayo sharcidajiyaasha labada dhinac si loo soo afjaro colaadda magaalada Tripoli. Afhayeen u hadly Qaramada  Midoobay ayaa sheegay in wadahadaladu ay u qabsoomi doonaan sidii loogu talogalay.