Inkasta oo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay caqaba-do badan kala kulan-tay socodsiinta ama hirgelinta nidaamka federaalka dalka ayaa haddana waxaa la dhihi-karaa in badan waa lagu guulaystay hirgalintiisa.Dhismaha maamullada federaalka dalka ayaa hadda ku dhaw heer gabagabo ah oo waxaa haray oo kaliya maam-ulka loo sammeynayo labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. 8/8/2015 ayay ahayd markii heshiiska loogu gogol xaarayo maamul u sameynta labadaas gobol lagu saxiixay Xarunta Madaxtooyada Qaranka, iyadoo ay heshiiskaasi saxiixeen guddoomiyeyaasha la-bada gobol iyo wasiirro gaaraya ilaa dhowr iyo toban oo ka soo jeeda labada gobol.
Sida la wada ogsoon yahay marka la rabo in la dhiso maamul inta uusan furmin shirka maamulka lagu dhisayo waxaa durba qalalaase uu ka dhashaa Guddiga Farsamada ee ay soo xulayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, guddigaas oo lagu qaybsanayo qaab qabiil, halka lagu qabanayo shirka maam-ulka lagu dhisayo iyo magaalada caasimadda u noqonaysa maamu-lkaas, iyadoo deegaan walba dadka daga ay si goonni ah u raadinayaan in shirka lagu qabto deegaankooda iyo in caasimadda ay noqoto deegaankooda.

Haddii aan wax yar dib u milicsanno dhismihii maamulka Galmudug ee dhawaan la soo gabagabeeyay, waxaa muddo la isku mari waayay halka la dhigayo gogosha shirka iyo magaalada caas-imadda u noqonaysa maamulkaas. Si looga baaqsado is qabqabsigaasi jiray waxa ay noqotay in labada degmo ee kala ah Cadaado iyo Dhuusamareeb lagu kala qanciyo in Cadaa-do shirka lagu qabto Dhuusamareebna ay noqoto caasimadda maamulka Galmudug, go’aankaasna waxa uu ka soo fulay oo ku dha-waaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder-aalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Max-amuud, iyadoo weli aanba la furin shirka, dastuurkana aan la sameynin, taasina waxa ay noqotay oo loo arkay xalka keliya ee markaa la qaadan karay si looga baaqsado in uu hakad galo shirkaas.

Labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ah labo gobol oo uu dhaqtar isu qoray, maaddaama ay yihiin kuwa ugu dam-beeya ee maamulka loo dhisayo dhawaan.Haddaba waxaa la is weydiinayaa sida ay beelaha dega labadan gobol wax u qaybsan doonaan ama ay u wadaagi doonaan.Gobolka Hiiraan marka laga hadlayo waxa uu ka mid yahay gobollada ugu faca weyn Soomaaliya, waxaana deegaan ahaan ku abtirsada oo dega ilaa 14 qabiil, haba lagu kala badnaadee, beelaha qaar waxaa dhaxmaray dagaallo salka ku haya dhinaca deegaanka, iyadoo weli aan wax heshiis ah oo rasmi ah laga gaarin dagaal beeleedyadaas dhacay.

Sidoo kale beelaha qaar waxaa u dhax-eeya hardan dhinaca siyaasadda ah, waa beelaha dega labada gobole, hardankaasi siyaasadeed ayaa ah tartan ku saabsan cidda qabanaysa hoggaanka sare ee maamulka iyo habka loo qaybsanayo maaulka intiisa kale oo uu baarlamaankana ugu horreeyo. Dhinaca kale, beelaha qaar ayaa loollan ugu jira in awoodaha maam-ulka loo qaybsado qaab ku saleysan degmo, halka ay kuwo kalena ay qabaan in hannaanka wax lagu qaybsanayo uu noqdo mid ku sa-leysan qaab qabiil.

Degmo marka la yiraahdo hab-qaybsiga ha lagu saleeyo, waxaa tusaale loo soo qaadan karaa wixii ka dhacay maamulka Jubbaland markii la soo xulay Baarlamaanka maam-ulkaas, degmooyinka wax ha lagu qaybsado la leeyahayse ma waxa ay noqon doonaan deg-mooyinkii ay ka tagtay Dowladdii Milatariga ahayd, mise waxaa xitaa ku jira kuwii ay degmo u aqoonsadeen madax-dii Dowladihii KMG ee dalka soo maray? Su’aashaas ayaa u baa-han in sharraxaad laga bixiyo, beelaha qaar ee gobolka Hiiraan dega ayaa qaba in Hiiraan labo gobol ay tahay oo waxa ay wax u rabaan in ay gobol ahaan wax u qaataan, laakiin ugu dambeysta waxa ay u biyo shubanaysaa uun in hannaanka qaybsiga lagu saleeyo qaab qa-biil, iyadoo laga tusaale qaadanayo maamullad-dii horay u soo dhismay iy caqabadihii lagala kulmay. Dhismaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo uu dhaqtarka isu qoray ayaa waxaa la saadaa-linayaa in uu hareyn doono buuq la mid ah kii ka dhacay maamulka Galmudug, waxaana buuqaasi saldhig u ahaan doona qaabka loo qaybsan doono qeybaha kala duwan ee maam-ulka iyo magaalada noqonaysa caasimadda.
W/Q Cabdiwaaxid Xuseen Macallim (Arbac)