Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aanka dowladda Kenya ee duulimaadyadii tooska ahaa ku joojisay inuu yahay mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsaneyn Xiriirka labada dal.

Dowladda Soomaaliya waxa ay Kenya kaga digtay in arintaasi ay waxyeelo u geysto ganacsiga labadda dowladood ka dhaxeeya.

Wasaaradda Duulista Hawadda Xukuumadda ayaa sheegtay in ay la xariiri doonto dowladda Kenya si loo xaliyo tabashadda shacabka Soomaaliyeed ee ah go’aanka ay soo rogtay dowladda Kenya.