Dawladda dalka Eritereeya ayaa jawaab ka bixisay hadal uu jeediyay ra’iisilwasaraaha cusub  ee dalka Itoobiya Abiy Axmed ; kaas oo ku baaqay wadahadal uu la galo dalka Eritereeya.

Wasiirka warfaafinta dalka Eritereeya oo ka jawaabayay hadalka ra’iisulwasaaraha cusub ayaa ugu horreeyn ugu baaqay Itoobiya in ay ixtiraamto heshiisyada caalamiga ee horay loo galay oo ay ka baxdo dhulka ay ka heysato Eritereeya.

“ Wax hormar oo laga gaaro wadahadalada waxay kaliya dhici karaan marka Itoobiya ka baxdo dhulalka ay qabsatay”.Banoonigu waxa uu waqti badan yaallay dhinaca Itoobiya.Ma jiro wax muran ah maxaa yeelay heshiiska xadeeynta xuduudah waxa uu dhacay lix iyo toban sano ka hor.Itoobiya waa in ay ixtiraamtaa heshiisyada caalamiga  iyo waliba madaxbannaanida Eritereeya.Nabaddu waxa ay dan ugu jirtaa labada dhinac, heshiis kastana waa in lagu saleeyaa xeerarka caalamiga ah oo Itoobiya ay diidmo ka muujineyso.” Ayuu sii raaciyay wasiirka warfaafinta Eritereeya Meskel.

Rai’sulwasaaraha cusub Abiy Axmed ayaa  khudbad uu Telfishinka qaranka itoobiya ka jeediyay markii loo dhaariyay xukunka , yiri “ labada dad waa dad wax badan ka dhaxeyaan oo isku dhig ah waxaana ku dadaali doonaa nabadda gobolka iuo gaar ahaan tan wadamada  dariska.”Sidaa darteed waxaan wadahadal ugu baaqayaa Eritereeya.

Labada dal ayuusan xiriirkooda aad u wanaagsaneeyn, tan iyo markii ay uu dhexmaray dagaal dhanka xuduudda ah oo  ay ku dhinteen dad gaaraya 70,000.