Maxkamadda ICJ ayaa todobaadka soo socda lagu wadaa in ay dib u eegis ku sameyso codsi saddexaad oo ay dalbatay dowladda Kenya kaas oo markan ay dowladda Soomaaliya iska diidday.

Codsiga Kenya ayaa ah in dib loo dhigo dhegeysiga kiiska ilaa September 2020ka, Maxkamadda ICJ ayaa arrintaas ka talo gelisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si cad ayeyna isaga diidday.

Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo safiirka Soomaaliya ee Yurub ayaa goobjoog ka ahaa dhegeysiga labada dhinac.

Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in aysan aqbaleyn dib u dhigid saddexaad iyada oo dowladda Kenya ku doodday in labada bilood ee dib loo dhigay aysan ku filneyn.

Soomaaliya ayaa dhinaceeda ku doodday in kiiska dhowr jeer dib loo dhigay Kenyana tahay cidda ku xadgudubtay biyaha Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa todobaadka soo socda go’aan ka soo saari doonta barrintaas,waxaana sharci yaqaannada sheegayaa in ay adag tahay in Kenya hesho muddo kordhin kale maaddaama dhinac ka mid ah dhinacyada doodda ka soo hor jeestay.