Calanka Itoobiya oo maanta hoos loo dhigay
Itoobiya ayaa maanta looga baroordiiqayaa dadki ku dhintay shilkii diyaaradda ee dhacay maalinti shalayiyada oo calanka dalkaasi hoos loo dhigay dal gudahiisa iyo safaaradaha uu dibadaha ku leeyahayba.

Baroodiiqa halka maalin soconaya waxaa go’aamiyey golaha wakiillada shacabka ee dalkaasi.

Shilkii diyaaradeed ee maalinti shalay ka dhacay dalka Itoobiya waxaa ku dhintay 157 qof oo diyaaradda saarneyd.

Shilkaasi oo aan la sheegin waxa sababay haddana waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo sababti shilkaasi ka dambeysay.

Dadki diyaaraddaasi saarnaa oo dhammaantood geeriyooday waxay u kala dhasheen 33 dal.

Diyaradda rakaabka ee burburtay oo nooceedu ahaa Boeing 737 MAX 8 waxay burburtay xilli ay u kala goosheysay Addis Ababa iyo Nairobi.