Waxaa maanta magaalada Kismaayo tababar loogu soo gabagabeeyay dufcadii afraad ee kamid noqonaysa ciidanka booliska dawlad goboleedka Jubbaland kuwaas oo muddo sagaal bilood ah tababar la siinaayay.

Ciidamadaan oo maanta wadooyinka halbowlaha u ah magaalada Kismaayo dhoola tus ku baraayay ayaa waxay qayb ka noqon doonaan hawlgalladii ay waday dawlad goboleedka Jubbaland kuwaas oo la gayn doono goobaha Al Shabaab lagala wareego.

Gaashaanle sare Maxamed Naasir Guuleed oo ugu damabayntii xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta dawlad goboleedka Jubbaland ayaa sharaxay nooca tababarka la siiyay ciidankan iyo waxyaabaha ay qaban doonaan.

Ciidankan ayaa qayb ka noqon doona dadaallada xasilinta amniga deegaannada Jubbaland.