Go’aankii  geesinimada iyo taariikhdaba ahaa ee ay Soomaaliya ka qaadatay xiisadii khaliijka, kasokow cadaadis uga imaanayay saaxiibadeeda sida Sucuudiga iyo Iimaaraatka, waxa uu dhalay natiijo wax ku ool ah. Maanta waddamada khaliijka waxa ay ku tartamayaan sidii ay ugu kala dhawaan lahaayeen Soomaaliya , iyaga oo ka fulinaya mashaariic hormarineed oo kala duwan kuwaas oo ku kacaya Malaayiin Doolar.

Ololihii foosha xumaa ee la doonayay in Soomaaliya lagu galiyo isjiid jiid dibloomasiyadeed iyo mid siyaasadeed aan  khuseyn, ayaa isku badalay tartan heerka ugu sarreeya ah oo lagu tartamayo hormarinta Soomaaliya iyo mashaariic ka fulin.

Kulankii ugu danbeeyay ee golaha iskaashiga khaliijka oo ka dhacay Kuwait waxaa caddaatay in khilaafka uusan dhawaanahaan u dhaweyn mid xal laga gaari doono. Bilawgiiba shirka kama aysan soo qayb galin boqorro badan, waxayna taas keentay in shirka lagu soo koobo hal maalin oon wax natiijo muuqato ah ama tilaabada xigta aysan kasoo bixin. Xaqiiqdii golahaan Sucuudigu horboodo waxa uu wajahayaa mustaqbal aan sugneeyn oo aan la saadaalin karin haddii khilaafku sii daba-dheeraado midaas oon cidna dan u aheyn.

Dawladda soomaaliya waxa ay iska badbaadisay muran qaraar oon loo baahneeyn, kaas oo haddii ay ku lug yeelato ka dhigi lahaa mid ka takooraya Soomaaliya ururka jaamacadda Carabta, ururka iskaashiga islaamka iyo xitaa qaramada midoobay oo gooni ka dhigi lahaa Soomaaliya. Dib marka loo milicsado cashirkii laga bartay xisadii Sweden iyo Sucuudiga, dawlada federaalka Soomaaliya waxay sameysay wax lagu faano oo ay ku jirto danta dadkeeda iyo dalkeena.

Soomaaliya waa in aysan ka noqon baaqeedii ahaa in ay dhexdhaxaadiye noqoto balse aanay noqon khilaaf kuwa qeyb ka ah, laakiin taas waxay u muuqataa mid aysan aqbali doonin dhinacyada is haya, sababtoo ah Soomaaliya xubin kama ahan golaha iskaashiga khaliijka, ka sii darane waddamada khaliijka marnaba ma rabaan xal ay u arkayaan in wadanka Qadar uu ka saarayo go’doominta iyada oo aan waddanka Qadar la marsiin ciqaab adag, taas oon meelna uga jirin habka wada xaajoodka iyo xalinta khilaafaadka.

Barriga dhexe ayaa aad muhiim ugu ah horumarka Soomaaliya maxaa yeelay waa meesha Soomaaliya ay u suuq geeyso wax soo saarkeeda sida hilibka, khudaarta, wax soo saarka beeraha iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah baahida cunno ee khaliijka.

Sidoo kale barriga  dhexe waxaa ka jirta shaqaalo yari taas oo mustaqbalka fursad u noqon karta da’yarta  Soomaaliyeed ee wax baratay.

Kaba sii muhiimsane Soomaaliya waxa ay kaalin xoog leh ka qaadan kartaa amniga gobolka aqoonta ay u leedahay ka hortaga argagixisada darted iyo colaadaha.

Fursadaha wada shaqeyn ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo guud ahaan wadamada khaliijka awgeed waa in Soomaaliya ay ka ciyaarta door dhexdhexaadnimo leh haddiiba ay ku qasbanaato in ay faraha la gasho arrimaha khaliijka oo ka dabaalshadeedu aanay sinaba u sahleyn.

Golaha iskaashiga khaliijka waa in ay maqlaan hadalada boqorka Kuwait Sheikh Sabaax oo ay wax ka badalaan dastuurkooda, kuna daraan hab lagu xalin karo khilaafka u dhaxeeya wadamada xubnaha ka ah golaha khaliijka haddiiba ay is qabtaan midaas oo sahli doonta in wax lagu xaliyo si ka duwan in qolo guuleysto halka kuwa kalena ay guul dareystaan.

Taasna waa in aysan ku jirin in adduunyada la galiyo, siiba wadamada soo kabanaya khilaaf iyo muran hakinaya hormarka ay sameeynayaan.

XIGASHO: Ummadda Media