Madaxweyne ma ogtahay in shaqaalaha Soomaaliyeed wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ku dallacday lacag canshuur ah oo dhan boqolkiiba 18 dollaar ($18 per cent) taasi oo aysan awoodin in ay ka jaraan lacagta ay mushaarka u helaan. Madaxweyne, ma laguu sheegay, in lacagtaan si gooni ah loogu dallacay dadka aan dowladda u shaqayn ee shaqaysta iyada oo ay jirto in qofkasta oo shaqa rasmi ah haya uu ugu yaraan shan qoys iyo ka badan masruufo. Madaxweyne shacabka ku nool Gobolka Banaadir oo dhallinyarro u badan waa shacabka kaliya ee dowladda Federaalka canshuur siiya, Miisaaniyadda dowladdana kaba sidaasi oo ay tahay lacagta lagu dallacay ma jirto shaqaale kale oo lagu dalacay xitaa kuwa ku nool ama ka shaqeeya magaalooyinka kale ee dalka. Madaxweyne kasakoow canshuurta wasaaraada Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ku dallacday shaqaalaha Soomaaliyeed ee dhallinyarada u badan badelkeeda kuma helaan canshuurta laga qaado, sida waddooyin nadiif ah oo laami ah, waxbarasho bilaash ah, xarumo caafimaad oo loogu adeego, koronto iyo biyo nadiif ah oo raqiis ah oo ay xaqqa ugu leeyihiin dowladdooda ay canshuurta ay siiyaan.