Ma ogtahay Madaxweyne in  ka badan 20,000 oo ardey oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku nool oo dugsiga sare dhameeyay sanadkan , imtixaankiina ay ka qaadeen 12ka dalladood ee waxbarashada gaarka ah in Wasaaradda Waxbarashadu ay leedahay imtixaankii waxba kama jiraan.

Ma ogtahay Mudanoow in la isweydiinayo sababta Wasaaradda oo aan u dajin shuruuc lagu maamulo  dugsiyada gaarka loo leeyahay, oo ay intaasna usii dheertahay manhaj mideysan oo aysan gacanta ku heynin iyo macallimiin tababaran oo ku filan oo imtixaan ka qaada, ay u carqaladeynayso howlo aysan ka fulin karin dhamaan gobollada dalka.

Arrinta kale ee la isweydiinayo ayaa waxaa ka mid ah ustaadoow amniga ardeydaas oo dowladda aysan waxba ka qaban karin , haatanna nabad wax ku barta sababta loogu raadinayo dhibaato iyada oo dalladuhu ay yihiin kuwa kaliya ee waxbarashada soo waday 20kii sano ee burburka.

Waxaa kale oo la isweydiinayaa Madaxweyne sababta Wasaaraddu ay wax uga qaban la’dahay inta aysan imtixaanaadka faraha la gelin  jaamacadaha 50ka kor u dhaafay oo Muqdisho kaliya ka furan ilaa hadana aan sharci ay ku shaqeeyaan oo tayada waxbarashada lagu dhowro ayna u sameynin Wasaaraddu.

Mudane arrimahaas oo aad xog ogaal u tahay, kana mid ahayd bahda waxbarashada, in ay maanta heerkan noqdaan adiga oo go’aanka ugu sarreeya ee dalka leh miyeyna Ustaadoow jawaab inaad ka bixiso u baahneyn.

Waayadan dambe  waxaa hal ku dhig noqotay  ‘Jaamacadaha Muqdisho Cabdulle Shideeye ka daran.’