Muddo rubuc qarni ah oo aysan Soomaaliya lahayn dowlad dhexe oo hanan karta guud ahaan amniga iyo talada dalka, kana maqnayd fagaareyaasha caalamka, ayna jireen shirar badan oo ay beesha caalamka iyo dalalka dariska ah ay u qabteen Soomaa-liya ayaa waxaa kasoo baxay xukuumado aan lahayn awoodaha ay haatan leedahay dow-ladda Xasan Sheekh oo ah tii ugu horreysay oo aan kumeel-gaar ahayn. Sidoo kale waxa ay ahayd tii ugu horreysay ee dhammaan hay’adaha dowladda lagu dhisay isla dalka gudihiisa.In ka badan 3 sano oo ay jirtay dowladda Federaalka ah ayaa dad badan waxa ay iswey-diinayaan waxa laga dheefay kumeel gaarkii laga baxay iyo waxa ay soo kordhisay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa jira dad badan oo qaba in uu dalku marxalado badan oo qallafsanaa uu ka soo gudbay, ayna qab-soomeen waxyaabo badan oo la taaban karo, lana sameeyay horumar muuqda oo aysan gaarin xukuumadihii kumeel gaarka ahaa. Waxaa ka mid ah waxyaabaha laga xusi karo in Soomaaliya ay ka soo dhex muuqatay fagaareyaasha caalamka, ayna geysatay qorsheyaal ay iyadu diyaarsatay. Waa arrinta keentay inshirar badan looga hadlo arrimaha Soomaaliya. Xiriirka caalamiga ah iyo Diblomaasiyadda ayaad mooddaa in ay dowladda Soomaa-liya xoojisay, taasoo markhaati cad ay u tahay safaaradaha iyo safiirra-da isabada joogga ah ee Muqdisho soo gaaray iyo ballan-qaadyada caalami-ga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya, sida cahdiga cusub (New deal) oo yabooh loogu sameeyay dhisidda hay’adaha dowladda. Waxaa kaloo jira dalal si goonni ah u ballan-qaaday mashaariic horumarineed oo dalka iyo laamaha dowladda dib loogu dhisayo. Dow-ladahaas waxaa ka mid ah Turkiga iyo Dowladda Imaaraatka Carabta.

Aragti taas kasoo hor-jeedda, ayaa ah in aanay Soomaaliya wax badan u qabsoomin, taasoo ay ku saleynayaan qabyada ka muuqata hay’adaha dowladda. Tusaale ahaan Baarlamaanka Soomaa-liya waxaa horyaalla xeerar badan oo aan weli laga doodin. Sababta ugu weyn ayaa ah in saddexdii sano ee uu Baarlamaanku jiray ay ku mashquuleen khilaafaad ragaadiyay howlihii horyaallay . Sidoo kale, dhammeystirkii shuruuc-da xisbiyada iyo tan ugu muhiimsan oo ah in lagu guul-darreystay in ay dhacdo doorasho qof iyo codkiisa ah. Taas ayaa isugu soo biyo-shubaney-sa in hay’adaha fulinta iyo kuwa sharci dejintaba aysan wax sidaa u badan qaban marka laga reebo ansixinta dhowr hin-dise-sharciyeed .

Garsoorka Soomaaliya oo ah baahiyaha ugu waaweyn ee dalka ka jira ayaan wax muuqda laga qaban. Ma jirto maxkamad dastuuri ah iyo Golaha Adeegga Garsoorka oo aan wali howshiisa guda gelin, muran badanna uu ka jiro sharci ahaanshihiisa.Waxaa jira dad qaba in ka saaristii kumeel gaar-ka ay ahayd ujeeddo gaar ah oo dowladaha shish-eeye ay ku doonayeen in ay ku helaan saxiixa heshiisyo ay ku xalaa-leysanayaan kheyraadka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, ka bixitaanka marxalidhii kumeel gaarka ahaa wuxuu keenay faa’iidoo-yin badan oo haddii sidii la rabay looga faa’iid-eysan lahaa Soomaaliya ay gaari lahayd meel ka sarreysa halka ay maanta taagan tahay. Dastuurka oo ah weli mid kumeel gaar ah ayaa isna caqabad ku noqon doona waxyaaba badan oo dalka lagu toosin lahaa. Waxaa habboon in fursadaha ay haatan xukuumaddan heysato laga faa’iidey-sto oo la dardargeliyo shuruucda dalka uu u baahan yahay si uu u soo jiito maalgelin baaxad weyn. Hay’daha dastuuriga ah waa in ay daba qabtaan oo ay fursadaha haatan horyaalla ka faa’iid-eystaan. Caano daatay dabadood la qabay!