Maxamed Mursi waxaa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee si dumuquraaddi ah loogu doorto dalka Masar, balse hal sano oo kaliya yuu hayey talada dalkaas ka hor inta aanay ciidamadu xukunka ka tuurin 3-dii bishii July sannadkii 2013.

Tallaabadan ay ciidamadu qaadeen ayaa timid dhowr cisho kaddib markii ay dalkaasi ka dhaceen dibadbaxyo ballaaran oo xukuumadda looga soo horjeeday, iyo Mursi oo diiday digniin ay u soo jeediyeen saraakiisha ciidamadu, si loo xalliyo xiisaddii siyaasadeeed ee ugu xumayd ee soo marta dalka Masar tan iyo markii xilka laga tuuray Xusni Mubaarak.

Afar bilood kaddib markii xilka lga tuuray, ayaa maxkamad la soo taagay Mursi iyo 14 sarkaal oo ka tirsan ururka Ikhawaanul Muslimiin, waxaana lagu eedeeyey in ay kiciyeen taageeroyaashooda oo dilay nin saxafi ah iyo labo ka mid ahaa dibadbaxayaasha mucaaradka ah, iyo in ay bixiyeen amarro lagu jir dilay dad maxaabiis ah iyo xadhig sharci darro ah.

Eedaymahaas ayaa lala xidhiidhay isku dhacyadii u dhexeeyey dibadbaxayaasha mucaaradka iyo kuwa ikhaawnul Muslimiinka oo ka dhacay bannaanka hore ee magaalada Qaahira bishii December 2012.
Dhagaysigii koowaad, ayuu ka qayliyey maxkamadda asagoo sheegay in uu dhibbane u yahay “Afgambigii ciidamada” waxa uuna diiday in la maxkamadeeyo.

Waxaa lagu waayey wax dambi dil ah la xidhiidha, hase ahaatee waxaa lagu xukumay 20 sano oo xadhig ah ayadoo la sheegay in uu jirdilay oo si sharci darro ah oo u xidhxidhay dadkii dibadbaxayey, waxaana lagu xukumay dil, inkastoo markii dambe xukunka dilka ah meesha laga saaray.
Maxkamad ayaa lasoo taagay 17-ka June 2019-ka asagoo basaasnimo lagu eedeeyey halkaas oo uu ku dhex dhintay.

Xildhibaankii Islaamiga ahaa

Maxamed Mursi waxa uu ku dhashay tuulada El-Adwah ee ku taal goblka Nile Delta sannadkii 1951.
Waxa uu ka baxay Kulliyadda Injineernimada ee jaamacadda Qaahira ka hor inta aanu u guurin dalka Maraykanka oo ka diyaariyay shahaadada PhD-da.

Markii uu dib ugu laabtay dalka Masar waxaa uu noqday madaxa kulliyada Injineernimada ee jaamacadda Zagazig.

Waxa uu ku biiray kooxda Ikhwaanul Muslimiinka, waxa uuna madax ka noqday dhaqhdaqaaq madax bannaan oo baarlamaanka ka tirsan intii u dhaxaysay 2000-2005.

Waxa uu ahaa xildhibaan hadal cad cad oo cod kar ah. Mursi ayaa loo doortay musharrax madaxweyne bishii April ee 2012.

Ololihiisii doorashada, Mursi waxa uu gaashaanka u daruuray musharraxiintii ka socday maamulkii hore ee xusni mubaarak.

Dibadbaxyo ballaaran
Markii uu xukunka qabtay bishii June ee sannadkii 2012-kii, Mursi waxa uu ballan qaaday in uu soo dhisi doono xukuumad ay u dhan yihiin dhammaan dadka reer Masar.

Balse dadka dhaliila ayaa ku eedeeyey in uu ballan qaadkaas ku guuldarraystay sanadkii uu xafiiska joogay.

Waxayna ku eedeeyeen inuu la saftay Islaamiyiinta si uu gacanta ugu dhigo saaxadda siyaasadda, isagoo xukunka ku soo koobay Ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Abdul Fattah al-SisiLahaanshaha sawirkaAFP
Mucaaradnimada shacabka ayaa billaabatay bisha November sanadkii 2012 kaddib markii uu Madaxweynuhu isa siiyey awoodo dheeri ah oo dastuuri ah.

Intii qalalaasuhu uu socday, Mursi waxaa uu soo saaray digreetooyin kale oo uu awood u siinayo ciidamada in ay ilaaliyaan hay’adaha dawladda iyo goobaha aftida loogu qaadayo dastuurka qabyada ah oo la qabtay 15 December 2012.

Dadka Dhaliila siyaasaddiisa ayaa sheegaya in awoodaha uu madaxweynuhu isa siiyey iyo xukunka deg degga ahaa iyo qalalaasihii ka dhashay dibadbaxyadii ay dhigayeen dadka Mursi ka soo horjeeday ay galaafteen nolosha ugu yaraan 50 qof.

Dibadbaxyo ballaaran ayaa la qabtay sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay maalintii uu Mursi xafiiska qabtay, malaayiin qof ayaana isugu soo baxay waddooyinka guud ahaan dalka Masar.

‘Afgambi’

Ciidamada ayaa uga digay Mursi in ay soo faragalinayaan haddii aanu 48 saac gudahood kaga jawaabin dalabka dadweynaha.

Fiidnimadii 3-dii July, ciidamada waxay laaleen dastuurkii waxayna ku dhawaaqeen xukuumad ku meel gaar ah inta laga qabanayo doorashooyin madaxtinimo.

Mursi ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid ‘afgambi ah’. Amarka lagu xiray ayaa markii dambe waxaa bixiyey taliyaha ciidamada qalabka sida – oo hadda madaxweyne ka ah Masar – Abdul Fattah al-Sisi.

Ciidmada ayaana ku xiray Mursi meel aan la aqoon, dhowr toddobaadna warkiisa lama maqal.

Tageerayaashiisa ayaa isugu soo baxay waddooyinka Qaahira, ayagoo dalbanayey in la sii daayo oo si dhakhso ah xukunkana loogu soo celiyo.

Ciidamada ayaa 14-kii Agoosto xoog ku kala eryay dibadbaxayaal ku sugnaa labo goobood oo kuyaal magaalada Qaahira waxayna xabsiga dhigeen xubnihii ugu cad caddaa Ikhwaanul Muslimiinka.

Ku dhawaad 1,000 qof ayaa lagu dilay kala eryidda ay sameeyeen masuuliyiinta ku meel gaarka ah oo sheegay in ay la dagaallamayaan argagixiso.

Dhowrkii sano ee ka dambeeyey markii Morsi xilka laga tuuray, Masar waxay la kulantay qalalaaso ka imaanayey kooxo xagjir ah, iyo cadaadis aan loo meel dayin oo lagula kacay Ikhwaanul Muslimiinka kuwaas oo lagu tilmaamay argagixiso.

Mursi wax war iyo wacaal ah lagama helin, marka laga reebo dhowr jeer oo maxkamadda la keenay isla markaasna waxaa jeelka laga sii daayey Xusni Mubaarak oo xilka uga horreeyey.