Madaxweynaha jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in hadalka Soomaaliya uu bannaanka soo dhigay laba godobood.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in godobta koobaad ay Soomaaliya ka gashay dowladda Guinea oo uu sheegay inay faraha la galeen arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Soomaaliya ayaa waxa ay xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay dowladda Guinea kaddib markii ay dalkeeda ku casuuntay madaxweynaha Somaliland si diirranna ay halkaas ugu soo dhawaysay.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Soomaaliya oo magan u ah ciidammo shisheeye ay maagtay dal xor ahaa sanado badan, iyagoo ku leh sidee gurigaaga Somaliland ugu casuuntay.

Hasayeeshee waxa uu sheegay in Guinea ay arrintaas ka falcelisay oo ay si adag isaga dhicisay Soomaaliya.

Godobta labaad ayuu madaxweynaha Somaliland ku sheegay in Soomaaliya ay ka gashay Somaliland oo ay quuri waayeen buu yiri maamuuska noocaas ah ee nalagu soo dhaweeyay.

“Waxaan la yaabanahay ragga xukuumaddaa ka tirsan ee sidaa ku tashaday, marka hore, godobta intaa la eg waxa ku kalifaya, hebal uma qalmo maamuuskaas iyo qarankaa intaa la eg uma qalmo maamuuskaa waa godobta intaa la eg waxa ay ugu bareereen waa la is waydiinayaa.”

“Waa rag soo wada joogay soddonkii sanadood ee ugu dambeeyay wixii dalka ka dhacay iyo Somaliland wixii loo gaystay dad xog ogaal u ahna way yihiin dhammaantood, garan maayo iyagoo taa hore qaba waxa ay taa ugu dareen.” ayuu yiri Biixi.
Wasiirka Arrimaha dibadda dawladda federaalka ee Soomaaliya.