Ciidanka milateriga wadaan Sudan ayaa gaaska dadka ka ilmeeysiiya u adeegsaday dad mu daharaadyo ka dhigayay Magaaladda Khartaan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Ciidanku ay adeegsadeen rasaasta wax disha inkasta oo aan lasoo sheegin dad hor leh oo wax yeelo ay soo gaartay.

Mudaharaadyadda Sudan ayaa isu badelay weji cusub kadib markii dadka banaanbaxyadda hogaaminaya ay shacabk fareen amar diido, taasi ayaana hor seeday shaqo joojin uu military-gu carooday.

Dad badan ayey sidoo kale ciidanku xireen, waxaana baaba’ay dhamman astaamihii muujinayay in wada hadallo ay dhici karaan.

Waxaa ballaartay isfaham daradda u dhexeysa Military iyo Shacabka, kala fogaanshahooda ayaana keeni kara in xaaladda dalku ay kasii darto.