Cabdikarin Qalbi-dhagax   oo ah sarkaal ka tirsan ONLF horayna looga soo daayay xabsi ku yaal dalka Itoobiya ayaa maanta soo  gaaray magaalada Hareysa, halkaa soo ay  ku soo dhaweeyeen dadweyne farabadan iyo qaar ka tirsan masuuliyiinta Somaliland.

Cabdikariin Qalbi-dhagax ayaa kasoo kicitimay magaalada Nairobi oo uu dhawaanahaanba degganaa tan iyo intii laga sii daayay xabsi ku yaal dalka Itoobiya oo kuu xirnaa kaddib markii dawladda Soomaaliya ay u dhiibtay dalka Itoobiya .

Inta uu ku suganyahay magaalada Hargeeysa ayuu la kulmi doonaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo madxada kale ee Somaliland.

Cabdikariin Qalbi-dhagax ayay noqoneysaa booqashadaan tii ugu horreeysay ee uu ku tago Somaliland tan iyo intii uu ka soo baxay xabsigii dalka Itoobiya.

Dhiibista Qalbi-dhgax ayaa waxaa ka dhashay falcelino xanaaq leh iyda oo aad loo dalbaday in la sii daayo, wallow markii danbe la sii daayay markii uu xukunka qabtay Ra`iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed.