Waxaa sii kordhay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Maqaayadda Itian oo ku dhegan Moolka Muqdisho ee degmada Xamarweyne.

Dhimashadda ayaa gaareysa ilaa iyo 10 ruux sidda ay xaqiijiyeen Isbitaallada iyo Kooxaha gurmadka deg dega ah.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Col. Cabdinuur Axmed kadiye oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sida ay ku waramayaan idacadaha ka howl-gala magaalada Mogadishu.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad badan 20 qof Sidda ay  warbaahinta u sheegeen  goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Goobta la qarxiyay ayaa ahayd  meel Mashquul badan oo laga dukaamaysto, waxaana Qaraxa uu ahaa gaari la dhigay goobta la dhigto baabuurta ee Muqdisho Mall.

Isbitaallada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyo badan, waxaana wali socda gurmadka loo sameynaayo dadka ay waxyeelado soo gaartay.

Aamiin Ambulance, oo ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Shaqaalaha Gaadiidkeeda Gurmudka deg degga ah goobta weerarka uu ka dhacay ay ka soo qaadeen 9 qof oo mayd ah iyo 7 qof oo dhaawac ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana ay sheegeen inay weerarka la beegsadeen goob ay ku kulansanaayeen saraakiil ka tirsan dowladda.