Qiimaha shidaalka dunida ayaa sare u kacay kaddib markii dhawaan weerar lagu qaaday warshadaha shidaalka ee Sucuudiga taas oo horseeday in uu hoos u dhac ku yimaado boqolkiiba 5 shidaalkii caalamka.

Barmiilkii saliidda ceyriinka ah ayaa qiimihiisu wuxuu gaaray $66.28 doolar oo boqolkiiba 10 ayuu sare u kacay.

Jeffrey Halley oo ka faalooda suuqyada shidaalka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ay ka dhalatay dhibaatooyin siyaasadeed markii uu weerarka uu dhacay kaddib.

“Arrinta ugu weyn waxay tahay , sida uu yahay ammaanka badqabka kaabayaasha dhaqaale ee Sucuudiga weerarka kaddib” ayuu yiri Jeffrey Halley.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku eedeeyay xukuumadda Tehran inay ka dambeeysay weerarka

Mareykanka ayaa ku eedeeyay Iiraan inay ka dambeysay weerarka lagu qaaday warshadaha shidaalka, waxay arrintaas abuurtay cabsi ah in sare u kac weyn uu ku yimaado qiimaha shidaalka.

Shirkadda saliidda soo saarta ee Aramco, oo ay si gaar ah u leedahay dowladda Sucuudiga ayaa ah shirkadda ugu weyn ee caalamka u iib geysa Saliidda – kaligeed ayaana bixisa 10% ka mid ah saliidda laga isticmaalo caalamka.