Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federal-ka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta oo Tallaado ah galinkii dambe waxaa uu booqday xeebta loo dammaashaad tago ee Liido ee magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha oo xiran dharka isboortiska gaar ahaan maaliyadaha ay Ku ciyaaraan xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa waqti kula qaatay xeebta Liido dhalinyarro badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo halkaas u dammaashaad tagay.

Madaxwayne Farmaajo, ayaa Salaamay dhallinyarada Soomaaliyeed kuwaasi oo ay ka muuqatay inay Ku faraxsan yihiin inay halkaas ay kula kulmaan madaxwaynaha dalka.

Dhallinyerada ayaa qaarkood sawiro la galay  sidoo kalena kubbad la ciyaaray madaxwaynaha.

Salaan ka dib Madaxwayne Farmaajo, iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la shaah cabay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah dhalinyarada xeebta Liido kula kulmay Madaxwaynaha ayaa Waxaa ay warbaahinta Ummaddamedia, u sheegeen inay Ku faraxsan yihiin inay la kulmaan Madaxwaynaha.

Mucaad Maxamed Cali, oo ka mid ahaa dhalinyarada u dammaashaad tagay xeebta Liido lana kulmay Madaxwaynaha ayaa waxaa uu sheegay inay ay farxad iyo dhiiro galin badan ay u tahay waqtiga ay la qaateen madaxwaynaha Soomaaliya.

Hoos ka daawo sawirada Booqasasha madaxwayne Farmaajo uu Ku tagay xeebta Liido

Xigasho: Ummaddamedia