Ugu yaraan 14 ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay in ay dhinteen halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii ay shil gaari ku galeen inta u dhaxeysa Berbera iyo Hargeysa.

Shilka Gaariga ayaa ka dhashay markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid ka mid ah uu waday Tahriibayaal Itoobiyaan ah.

Dadka dhaawaca ah ee isbitaallada la dhigay ayey tiradooda gaareysaa ilaa lix qof oo ka mid ahaa dadkii la socday Gaari nooca Noah-da ah.

Inta badan dadka Shilkaas ku dhintay ayaa waxaa ay u dhasheen Qowmiyadda Oromada ee Dalka Itoobiya, kuwaas oo xilligaas tahriibayay.

Shilalka Gaadiidka ayaa ku badan waddada isku xirta Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa waxaana sidoo kale ka dhashay dhowr jeer oo hore dhimasho iyo dhaawac kala duwan.