Diyaaradii Ethiopian Airlines ee shalay ku dhacday magaalada Addis Ababa waxaa ku dhimatay 157 oo saarnaa, waxaana dadkaas ka mid ah Soomaali.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya waxa ay shaacisay in dadka shilka ku dhintay ay ka kala yimaadeen illaa 30 dal oo kala duwan, xogtaas oo dabcan lagu saleeyay baasaboorada ay wateen dadkaas.

Liiska waxaa ku jiray hal qof oo sita baasaboorka Soomaaliga, sidaas darteed ayaa xogta soo baxday waxa lagu sheegay in hal qof oo Soomaali ah uu ka mid ahaa dadkii qaraxa ku dhintay.

Hase yeeshee xaalka sidaas waa ka duwanyahay, waxaana jira wax hal qof ka badan oo Soomaali ah oo shilkaas ku naf waayay.

Taas waxaa ugu wacan in Soomaalida ay heystaan baasaboorada inta badan dalalka 33-da ah ee lagu sheegay warbixinta.

Tusaale ahaan waxaa dadkii dhintay ka mid ahayd gabadh Soomaali ah oo lagu magacaabo Aamino Cadawe oo ka timid dalka Canada, waxaana la dhimatay gabadh yar oo ay wadatay.

Cabdifataax Imaan Shafat waxa uu ka mid yahay qaraabada gabadha, isaga oo shalay ku sugnaa garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta oo ehelka dadkii diyaaradda saarnaa ay xog ka doonteen ayuu BBC-da u sheegay “Gabadha waxa ay aqal gali lahayd maalinka jimcaha, Canada ayay ka timid, waana musiibo qoyskeeda qabsatay”.

Waxaa kale oo la xaqiijiyay in madixii hab-maamuuska xafiiska Ra’isulwasaaraha Cabdishakuur Shahaad uu ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday.

Balse fariin lagu soo qorey barta xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa si guud loogu tacsiyadeeyay dadkii geeriyooday.

Waxaa isla qoraalkaas lagu sheegay in dowladda ay xiriir la leedahay dowladda Itoobiya sidii ay u xaqiijin lahayd haddii dad haysta baasaboorka Soomaaliga ay ku jireen kuwii dhintay.

Warbaahinta Ingiriiska waxaa  ay sheegayaan in la fahansan yahay  in dad Soomaali ah oo sitay baasabooro Kenyan, Britain iyo Maraykanba ay saarnaayeen diyaaradda, balse maadaamaa aanan weli la shaacin liiska magacyada dadka iyo isir ahaan halka ay kasoo jeedeen ma shaacin karno magacyadooda iyo tiradood.

XIGASHO:BBC