Ma jiro hal iskuul oo ku yaalla Soomaaliya oo dhamaan heerarkiisa waxbarashada ay ardayda wax ku barato af-Soomaali. Waxaa loo badan yahay oo wax lagu bartaa afafka Carabiga iyo Ingiriiska, sida lagu sheegay daraasad uu sameeyay Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda.

Daraasadda oo uu diyaariyay Cabdullaahi Sheekh Aadan Xuseen oo haysta shahaadada PhD waxaa la soo bandhigay 15-kii bishan Abriil, waxaana ujeeddadeeda lagu sheegay in ay ahayd in la baaro caqabadaha haysta waxbarashada Soomaaliya xilligan oo laga baxay kumeel gaarka oo dalka ay ka jirto dowlad rasmi ah.

Wasiirka waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya Drs. Khadro Bashiir Cali oo ka hadashay madashadii lagu soo bandhigay daraasadda ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in dugsiyada waxbarashada qaar ay ku faanaan in aysan ardayda wax ku barin af-Soomaali.

Daraasadda waxaa lagu ogaaday in caqabadaha ugu waaweyn ee haysta waxbarashada Soomaaliya ay ka jiraan dhinacyada manhajka, siyaasadda luqadaha wax lagu barto iyo bareyaasha.

Hal dugsi ayaa adeegsada af-Soomaali, isagana heerka dugsiga hoose oo keliya ayuu ku koobaa, sida ay daraasaddu sheegtay.

Daraasadda waxaa lagu sheegay in qabyo-qoraalka siyaasadda waxbarashada dalka uu caddeynayo afafka Carabiga iyo Ingiriiska oo keliya in loo isticmaali karo waxbarashada heerka dugsiga sare.

Djiboutian contingent of the African Union Mission in Somalia, Civilians in Belet Weyen

Dugsiyada markii la waydiiyay sababta ay afafka qalaad ardayda wax ugu baraan waxay xuseen in Ingiriiska uu yahay luqad caalami ah, halka Carabigana sababta isticmaalkiisa ka dambeysa ay tahay arrin diimeed.

Daraasaddu waxay talooyin u soo jeedisay dowladda Soomaaliya, Dalladaha Waxbarashada, maamullada dugsiyada iyo dadweynaha.

Dowladda ayay kula talisay inay kaalinteeda kormeernimo qaadato, ayna soo saarto siyaasad iyo sharciyo lagu maamulayo nidaamka waxbarashada dalka. Inay magacowdo guddi qaran oo leh aqoon iyo sumcad, kaas oo dib-u-eegis ku sameeya, isla markaana horumariya manhaj qaran oo ka jawaabaya caqabadaha hadda ka taagan Soomaaliya iyo kuwa mustaqbalka. Inay sameyso machad lagu tababaro macallimiinta iyo inay bareyaasha u sameyso sharci ay ku heli karaan mushaar noloshooda ku filan.

Wasiirka Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay inay wasaaraddeeda ka shaqeyneyso sidii loo dejin lahaa manhaj qaran oo lagu mideysan yahay.

Dalladaha Waxbarashada iyo maamullada iskuullada ayay daraasaddu kula talisay inay si buuxda u taageeraan dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku sameyso isbeddel iyo dib-u-dhis ku saabsan habka waxbarashada dalka.

Sidoo kale dadweynaha ayay daraasaddu u jeedisay inay si buuxda uga qeyb qaataan doodaha ku saabsan waxbarashada dalka ee billowday.

Waxaa jira heshiis dhex maray dowladda dhexe iyo maamullada Somaliland iyo Puntland, kaas oo dhigaya in la mideeyo maaddooyinka waxbarashada ee dugsiyada dalka.

Waxaa wax laga xumaado ah in Soomaalida aanay ku baraarugsaneyn muhiimadda uu leeyahay afka hooyo. Afku waa mid ka mid ah astaamaha qaranka ee qaf kastow ogow oo dhiirrigeli horumarintiisa.

Cabdiraxmaan Taysiir