Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya u gudbisay Qaramada Midoobey.

Dacwaddan ayaa la xiriirta xudgudubka Hawada Soomaaliya oo ay ku dhaqaaqday diyaarad ka soo duushay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in warqadda ashtakada ah loo gudbiyay Hay’adda ICAO.

Dacwadda ayey dowladda Soomaaliya u gudbisay Hay’adda ICAO lagu magacaabo ee Qaramada Midoobey wakiilka uga ah maamulka Hawada Adduunka.

Diyaaradda shalay ka degtay Kismaayo ayaa waxaa ay tahay Fokker 50, waxaa ay ku diiwaangeshantahay tirsiga 5Y-JXJ, taas oo ka diiwaangeshan dalka Kenya islamarkaana ay si gaar ah u leedahay Sharikadda diyaaradaha Juba Airways.

Arrintan ayaa dab ku sii shideysa muranka diblomaasiyadeed ee markii horeba aloosnaa kaas oo ka dhashay Badda Soomaaliya ee ay sheeganeyso Kenya taas oo 2014kii ay u gudbisay Soomaaliya Maxkamadda ICJ.

ICJ ayaa labada dal dhawaan u yeertay,waxaana lagu wadaa in go’aan ay ka soo saarto kaddib codsiga saddexaad ee dib u dhigidda ay dalbatay Kenya.