Ilaa 100,000 oo qof ayaa ka qaxay guryahooda ku yaalla waqooyiga Suuriya, sida ay sheegtay Qaramada Midiibay, iyadoo Turkigu uu weerarro ku qaadayo deegaannada ay haystaan Kurdiyiinta.

Dad badan ayaa hoy ka dhiganaya iskuullada amaba dhismooyinka kale ee ku yaalla magaalada Hassakeh iyo magaalada Tal Tamer, sida ay sheegtay QM.

Turkiga ayaa Arbacadii weerarka bilaabay kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu halkaasi kala baxay ciidammadiisa.

Ugu yaraan 11 rayid ah ayaa ku dhintay weerarrada. Kooxaha bani`aadannimada ayaa sheegaya in laga yaabo in tirada dadka ay dagaalladu saameeyeen ay sii kororto.

Tiro dagaalyahanno ah oo ka tirsan xoogagga ay Kurdiyiintu hoggaamiyaan iyo kuwo kale oo Turkiga taageersan ayaa sidoo kale weerarka ku dhintay. Askarigii koowaad ee ku dhintay dagaalka waxaa xaqiijiyay milatariga Turkiga.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in ka bixitaanka Mareykanka ee Suuriya ay Turkiga fursad u siisay inuu xadka ka gudbo oo uu dagaalka bilaabo.

Dowladda Suuriya gacanta kuma heynin inta badan gobolka, sababo la xiriira dagaalka sokeeye ee bilowday sanadkii 2011. Waxaa tan iyo sanadkii 2015 gacanta ku hayay Kurdiyiinta.

Xoogagga Kurdiyiinta uu hoggaamiyo ee SDF ayaa Mareykanka kula bahoobay dagaalka ka dhanka ah Daacish, balse Turkiga ayaa iyaga u aqoonsan argagixiso taageera kacdoon ka dhan ah Turkiga.

Sida ay sheegeen shaqaalaha gargaarka ee halkaasi ku sugan, inta badan rayidka ayaa ka qaxay Tal Abyad kuwa ku harayna waxay u baqayaan noloshooda.

OCHA ayaa sheegtay in weerarrada Turkiga ay saameeyeen dhismooyinka iyo adeegyada shacabka sida goobaha biyaha. Kumannaan qof oo ku sugan gobolka Hassakeh ayaa laga yaabaa inay waayaan biyo nadiif ah.

Turkiga ayaa doonaya in xadka dhanka Suuriya uu ka sameeyo “aag ammaan ah” oo dhererkiisu yahay 480km (300 miles) balse wuxuu sheegay inuusan kasii dheereyn doonin qorshaha 32km.