Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Baarlamaankii Midowgii Soomaaliyeed ee 1960-kii, Jaamac Cabdullaahi Qaalib wuxuu dhowaan ku geeriyooday Lusaka, Zambia.

Alle ha u naxariistee, Jaamac wuxuu ahaa shakhsi diinta Islaamka ku wanaagsan aqoonna u lahaa, oo naanaystiisuba waxay ahayd, ‘Aw-Jaamac’, oo turjimadeedu tahay af Soomaaliga, ‘saaxibu diin.’

Wuxuu ahaa nin hufan oo dhaqan wanaagsan, dadkana ixtiraama.

Wuxuu ahaa qof aqoonta guud ee dunida si fiican u yaqaannay, mutacallimna ahaa oo si fiican u yaqaannay luqadaha Carabiga iyo Ingiriiska, kuwaas oo u dheeraa afkiisa hooyo, Soomaaliga.

Dhallinyaranimadiisii wuxuu u dhoofay dalalka Carabta oo uu u tegay waxbarasho iyo shaqoba, wuxuuna ku dambeeyay oo muddo dheer uu ku noolaa, kana shaqayn jiray dalka Ingiriiska.

Wuxuu ku soo noqday Waqooyi (British Somaliland) badhtamihii kontonaadkii (1950s), halkaas oo uu ka billaabay ganacsi heer sare ah.

Ku soo noqodkiisii dalka waxay la kowsatay dhaqdhaqaaqii ka dhiidhigii dadka Soomaaliyeed ka damqaday wareejintii Isticmaarkii Ingiriisku u wareejiyay Xabashida qayb ka mid ahayd dalka Soomaaliyeed (Hawd iyo Reserved Areas), iyo dhaqdhaqaayadii xornimadoonka.

Jaamac waxa uu ka mid ahaa 1957-kii assaasayaashii xisbigii gobannimada dhaliyay ee Somali National League (SNL), door weyn oo wax ku ool ahna wuu ka qaatay.

Doorashooyinkii ugu horreeyay oo ka dhacay Somaliland bishii Febaraayo 1960-kii, Jaamac wuxuu ka mid noqday xubnihii baarlamaanka, isagoo laga soo doortay Salaxlay ee degmadii Hargeysa.

Doorashadaas kaddib waxaa loo doortay jagadi ku-xigeenka Afhayeenkii Baarlimaankii Somaliland. Kaddibna, Midowgii Soomaaliyeed ee koonfur iyo waqooyi waxaa loo doortay Guddoomiyihii Baarlamaanka.

Doorarka siyaasadeed ee qaran oo uu Jaamac gutay muddadii uu xilkaas hayay wax aa ka mid ahaa:

1) 1962-kii wuxuu hoggaamiyay wafti xubno baarlamaan ah oo booqasho ku tegay dalka Ingiriiska si ay ugala soo hadlaan dhaqdhaqaaqii xornimo-doonka ahaa ee dadka Soomaaliyeed ee NFD (Northern Frontier District) oo hadda ah Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya .
2) 1963-kii wuxuu hoggaamiyay wafti xubno baarlamaan ah oo booqasho ku tegay dalkii loo yaqaannay Midowgii Soofiyeeti ‘Soviet Union (USSR)’, isagoo farriin ka sii qaaday Wasiirkii Koowaad ee Soomaaliya (Somali Prime Minister) Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo uu u geeyay Khruschev, Wasiirkii Koowaad ee USSR, taas oo ay ka dhalatay in USSR hubeeyo Ciidamadii Qalabka Siday ee Soomaaliyeed (Somali Armed Forces).

W.Q Jaamac Maxamed Qaalib