Inkastoo ay sii kordhayaan tirada gabdhaha ka soo qalinjebinaya jaamacadaha ku yaalla dalka iyo kuwa dibedda ka soo noqonayaba, haddana waxaa aad u yar inta heleysa shaqo. Dhab ahaan looma hayo tiro sax ah oo ku aaddan inta gabdhood ee ka soo qalin jebisay jaamacadaha, haddana qiyaata macquulka ah ee la tilmaami karo ayaa waxay tahay in ay gabdhahu aad u tiro badan yihiin, iyadoo kulliyadaha qaar ay gabdhuhu wiilasha ka badan yihiin, halka jaamacadaha qaarna ay wiilsha iyo gabdhuhu tiro ahaan isla eg yihiin amaba isku dhow yihiin.

Hay’adda Iftin Foundation oo kaashaneysa Somali Research and Education Network (SomaliREN) oo ah urur ay ku mideysan yihiin jaamacadaha ugu waaweyn dalka, waxay dhowaan soo saartay warbixin ka hadleysa heerka shaqo-helista ee gabdhaha ka qalinjebiyay jaamacadaha. Waxay sidoo kale warbixintu ka hadashay caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan in ay gabdhuhu shaqooyin ka helaan shirkadaha iyo siyaabaha lagu xallin karo.

Daraasaddan oo laga sameeyay Puntland, Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxay muujisay in gabdhaha ugu badan ay ka shaqeeyaan dhinaca waxbarashada oo qiyaas ahaan 20.5 boqolkiiba ay dumar yihiin. Qeybta labaad ee haweenka ugu badani ay ka shaqeeyaan waa hay’adaha.

Hase yeeshee, meesha ugu hooseysa ee ay haween ka shaqeeyaan waa shirkadaha isgaarsiinta oo marka la eego tirada ay shaqaaleysiiyaan aysan ku badneyn gabdho aqoon leh oo ka shaqeeya.

Haddii gabdhaha jaamacadaha ka baxay aanan shaqo la siinin wuxuu dalku khasaarayaa 50 boqolkiiba xooggii dhallinyaradiisa oo uu ka faa’deysan lahaa; aqoontii iyo dhaqaalihii ay waalidkood ku soo bixiyeen; niyadjab ku dhacaya gabdhaha oo hoos u dhigi karta in gabdhuhu waxbartaan; iyo qaar kale.

Haddaba si wax looga qabto caqabadahaas ayaa Hay’adda Iftin Foundation oo kaashaneysa Rugaha Ganacsiga iyo jaamacadaha dalka, waxay billowday barnaamij lagu magacaabay FURSAD oo loogu talagalay sidii gabdhaha jaamacadaha ka baxay ay u heli lahaayeen fursadda ka maqan.

Barnaamijka waxaa loo sameeyay website cinwaankiisu yahay www.fursad.so oo loogu talagalay in gabdhaha jaamacadaha ka baxay ay iska diiwaangeliyaan si ay ula xiriiraan shirkadaha iyo hay’adaha shaqooyinka bixiya.

Shaxda shaqaaleynta gabdhaha