Magaalada Kismaayo waxaa Caawa ka bilowday Ololaha doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland iyo ku xigeenadiisa.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Jubbaland ee maanta la dhaariyay ayaa Magaalada Kismaayo ka bilaabay in ay kulamo kala duwan la qaataan xildhibaanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Saacaddihii ugu dambeeyay ayaa waxa soo baxayay Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland oo doorashdiisa ay Magaalada Kismaayo ay ka dhici doonto maalmaha soo socda.

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta la dhaariyay, kaddib munaasabad ka dhacday Magaalada Kismaayo oo ay goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Guddiga doorashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankii u horeeyay oo ay yeesheen Xildhibaanada, kaddib markii la dhaariyay ayaa waxay ninka ugu da’da weyn u doorteen Guddoomiye, inta laga soo dooranayo Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.

Sheekh Cabdi Yuusuf Cali ayaa loo doortay inuu noqdo  Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Jubbaland, inta laga soo dooranayo Guddoon cusub.