Labo weriye oo ka shaqeynayay wakaaladda wararka ee Reuters oo ku xirnaa dalka Myanmar ayaa xabsiga laga sii daayay.

Weriyeyaashan oo lagu kala magacaabo Wa Lone iyo Kyaw Soe ayaa in muddo ah ku xirnaa dalkaasi kaddib markii la qabtay xilli ay tebinayeen dhibaatooyinkii heystay muslimiinta Rohingya.

Waxay muddo 500 maalmood ah ku qaateen xabsi ku yaalla duleedka gobolka Yangon ee dalkaas.

Bishii September ee sannadkii lasoo dhaafay ayaa lagu riday xukun 7 sanno ah markii lagu soo eedeeyay inay ku xaadgudbeen xeerka difaacayo xogta dowladda.