Muqdisho –   Waxaa maanta la daah-furay burburkii dowladdii
dhexe ee Soomaaliya kaddib xarumahii canshuuraha degmooyinka Hawl wadaag iyo
Hodan ee Gobolka Banaadir oo dib loo dhisay.

Xarumahaan oo dhawaan si casri ah loo dhisay oo laguu tallagalay hawlaha
canshuuraha aruurinta ayaa waxaa si ramsi ah xarigga uga jaray Wasiirka Maaliyadda
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud
Maxamed (Filish).

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan
Ducaale Beyle oo hadal ka jeediyay munaasabadda xariga loooga jaray Seddaxdaan
xarumood ayaa sheegay in ay maanta sharaf u tahay in uu xarigga ka jaro xafiisyada
canshuuraha degmooyinka Gobolka Banaadir ee Hawl wadaag, Hodan iyo Wadajir.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in ilaa 5 xarumood oo canshuur ah lagu dhisayo wajiga
kowaad kuwaas oo qaarkood maanta la furay halka kuwa kalana dhismahooda uu
gabo-gabo yahay. “ Maanta labo xarumood ayaan xariga ka jarnay. Shantaan
xarumood waxaa wehliya machad loogu tala galay in lagu barto canshuuraha, maamul
wanaaga iyo maamulka Maaliyadeed oo aan isna dhawaan xariga ka jari doono”. Ayuu
yiri wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale
Beyle ayaa sheegay in lacagaha lagu dhisay xarumaha maanta xariga laga jaray iyo
kuwa dhismuhu ku socdo uu bixiyay Bangiga Horumarinta Afrika (Africa Development
Bank), sidoo kalana Wasiirku waxa uu xusay in Bangigu balan qaaday in ay kuwa
kalena lacagtooda keeni doonaan si ay dowladda uga caawiyaan dhismahooda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed
Filish oo isna muunasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay in
maanta xarigga laga jaro xarumihii canshuuraha ee degmooyinka Gobolka Banaadir
burburkii kaddib.

“ Dhab ahaan kaabayaashii dowladda oo dib u soo noolaanaaya waxa ay natusinaysaa
soo noolaasho buuxda oo xaga dowladnimada ah. Wasaaradda Maaliyadda
Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyadda si gaar ah ayaan uga mahadcelinayaa dadadaalka
iyo dardarta ay wadaan oo ay dib ugu soo noolaynayaan kaalinta uga aadan
qaranimada Soomaaliya”. Ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Dhaqaalaha ku baxay dib u dhiska Xurumahan  oo gaaraya ilaa 7 xarumood oo loogu
talagalay casnhuuraha ayaa waxaa bixiyey Bangiga Hormarinta Afrika (Africa
Development Bank) oo Dowaladda Soomaaliya ka cawinaya sidii loo xoojin lahaa, ilaha
dhaqaalaha dalka iyo aqoonta howlwadeenada ka shaqeeya.

 

Ugu danbeyn Wasaiirka maaliyaddu waxa uu xusay in xariga ka jari doonaa haddii
xaruntii turuba-taariyada ( hoggaanka illaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha) oo
iyaduna ku burburtay qaraxyo dhowrjeer ka ag ka dhacay.