Boris Johnson waxa uu sheegay inuu shaaca ka qaadi doono qorshahiisa ku aaddan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub inkastoo xildhibaanada ay taageereen mabda’a ah in dib loo dhigo xilliga ay Britain ka baxayso Midowga Yurub.

Waxa uu wacad ku maray inuu toddobaadka soo socdo baarlamaanka hor keeni doono sharciyo lagu meel marinayo heshiiskiiska Brexit-ka.

Balse waxa uu Midowga Yurub weydiisan doonaa muddo kororsi ku aaddan xilligii UK loo asteeyay inay ka baxdo Midowga Yurub ka dib markii baarlamaanka ay taageereen mooshin loogu talagalay inay Britain Midowga Yurub ka baxdo heshiis la’aan.

Waa warbixin degdeg ah oo hadda ina soo gaartay, faafaahin dheeraad ahna waxaad naga filaysaan goor dhaw. Fadlan cusboonaysii bogga si aad xogta oo dhameystiran u heshid.