Muqdisho (XT) – Wasaaradda Tamarta iyo Kheraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wasaaraddaha safka hore uga jira kobcinta iyo wax soo saarka dakhliga dalka gaar ahaan marka ay timaaddo maareynta iyo la socoshada Kheyraadka dalka uu leeyahay  Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka Alle ku manaystay Kheyraadka dabiiciga ah  maadaama ay leedahay xeebta ugu dheer Geeska Afrika. Hase yeeshee wasaaraddani ma ahan mid haysa ama ay ka socoto shaqadii Qaran ee loo igmaday ama ay ahayd in ay xoogga iyo waxqabadkeeda saarto.

Affartii Mas’uul ee ugu dambeysay oo wasiirada ka noqday Wasaaraddan dhamaantood waxey ahaayeen hal Beel. Wasaaraddu waxay kala dagantahay laba meelood, xafiisyo kuyaal Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo shaqaaluhu fadhiistaan iyo xaafiis ay wasiiradu fadhiistaan oo ku dhex yaal Wasaaradda Warfaafinta. Waa wasaarad ergo ama dulsaar ku ah wasaaraddo kale oo qaarkood laga yaabbo in aysan haysan xaafiisyo ku filan.

 

Saddexda mas’uul ee ugu sarreysa wasaaraddan waa hal Beel, taasi oo ka hor imaanaysa hannanka awood qaybsiga ee afar dhibic shan (4.5). Taasi waxa ay keentay in wasaaradda ay ka dhigaan meel looga hadlo lahjada Maayga oo keliya. Waxey awood u heleen iney Waaxyihii Wasaaradda oo dhan ka kor sameeyaan waaxyo kale oo shaqadii u fuliya. Waxaa jira dad iyagu haya shaqadii Wasaarada oo aan hadana wasaarada u shaqayn shaqaalana ka ahayn. Agaasima waaxeedyadii iyo shaqaalihii ka hoos shaqaynayay waxey noqdeen kuwo howl gab ah oo meelaha iska fadhiya. Waxaa ka sii daran looma ogola ineey shaqada ka maqnaadaan, haddey sidaas  sameeyaan waxaa loo helayaa sababo shaqada ay ku wayn karaan. Waana fursad ay aad u doon doonayaan maxaa yeelay booska ayay qof reerkooda ah keensanayaan. Adoon waxba qabaneyn meel, nabadgelyadeedu aysan sugnayn, iska fadhi 8 saacadood. Sow shaqaaluhu xabsi kuma jiraan?, Alle ha u fududee. Shaqaalaha waxaa kamida dhalinyaro da’doodu ayasan ka weyneyn 20 sano aqoontooduna ay gaarsiisantahay heer Jaamacadeed oo aan waxba loo dirsaneyn. Sow kheyraadkii waddanka oo la luminaayo ma aha.

 

. Waxey wasaaraddunoqotay meel loogu adeego hay’adaha aan dowliga aheyn, NGO,  ee fadhigoodu yahay xerada Xalane. Aqoon darridu waxey keentay in ay cadow u arkaan shirkadaha soo saara Korontada iyo Biyaha, ee dalka ka hawlgala gaar ahaan Xamar,  meeshii la rabay iney soo dhaweeyaan, una mahad celiyaan, lana shaqeeyaan maxaa yeelay shirkadduhu waxey qabtaan shaqadii laga rabay iney Wasaaraddu qabato. Wasaaraddu waxey noqotay meel shirkaddaha lagu handado, lagu baado meeshii la rabay in la taakuleeyo, la horumariyo waayo waa shirkado wadani ah bulshadana hawlo muhiim ah u haya.

Shaqaalaha Wasaaraddu waxey u kala baxaan laba qeybood: Qeyb shaqaale rasmi ah oo tiradoodu ay gaareyso 117 iyo Qeyb shaqaale sugayaal ah oo gaarya 110.

 

Tiradani waxay aad u korortay markii uu xilka la wareegay Wasiir Saalim Caliyow. Tirada shaqasugayaalka ah waxey ku hadlaan inta badan lahjada Maayga. Markii ay isugu yimaadaan xaafiisyada waxa at buux dhaafiyaan oo inta badan oo kamida meelay fadhiistaan ma helaan. Shaqasugayaalkan tirada badan waxay cabsi ku abuureen shaqaalihii caadidaga (rasmiga) sababtoo ah waxey haystaan kaarar aqoonsi oo ah in ay Wasaaradda ka tirsanyihiin. Markey rabaan ayey yimaadaan markey rabaana wey baxaan. Nabad gelyadu ma sugna, dadkani waxey noqonkaraan Janadoon, mid shaqaalaha ka mida oo magaciisa codsaday in aan la xigan ayaa sidaasyiri.

Qaybo kamida waajibaadka Wasaaradda:

 

  • Dejinta, Hurumarinta iyo dhaqan gelinta siyaasadda Tamarta, Kheyraaka iyo Biyaha
  • Maamulidda iyo daryeelka Biyaha hoose iyo kuwa kore (Surface and Groundwater management) ee Soomaaliya.
  • Soo saaridda Biyo tayo leh, nadiif ah, raqiis oo badan, una xaglineysa reer miyiga Soomlaaiyeed.
  • Dhiragelinta Koronto-gelinta magaalooyinka dalka, iyo abuuridda mashaariicTamareed oo wadaag ah.
  • Maareynta Koronta Dhalinta, gaarsiinta iyo Qeybinta korontada magaalooyinka dalka oo dhan.
  • Ka shaqaynta siyaasadda iyo dhaqangelinta waddaaga Kheyraadka dabiiciga ah ee heer Federaal.
  • Diiwangelinta iyo koontoraalida shirkaddaha ceelasha biyaha ama warashadaha soo saara ee dalka.
  • La socoshada tayada iyo badqabka warashadaha biyaha la cabo soo saara ee dalka.
  • Ka-qeyb-qaadashada horumarinta Tamarta is-cusbooneysiisa (Renewable Energy)

Qodobadaas kor ku xusan iyo kuwa kale oo badanayaa waajib ka saaran yahay in Wasaaraddu wax ka qabato.Waxaan hubaa inaad maqasheen wasaaradda iyo hay’ado sida World Bank, African development Bank, UNDP, UNICEF ayaa wax kala saxiixday mashruuc ay ku baxeyso intaas oo malyan, ama dowlad hebel ayaa ceelal noogu deeqday balse ma’ aadnaan maqlin wasaardda ayaa wax ka qabatay Biyaha iyo Korontada. Sidaad ka warqabtaanba Biyaha dalka laga cabaa nadiif maahan waana qaali, Korontada sidookale waa qaali oo dadka intooda badan ma’ awoodaan iney guriga soo gashadaan oo iftiin ahaan u isticmaalaan. Lagama yaabo in ay timaado su’aasha ah sideen Korontada iyo Biyaha wax u’ga qabanaa? Haddiiba ay imaan lahayd su’aashaas waxbaa laga qabanlahaa baahida shacabku u qabo Korontada iyo Biyaha. Waxey aaminsan yihiin ineysan waxba ka qaban karin waqtiga ay joogayaan wasaaraddana uu yaryahay marka waa iney ka faaiideystaan inta yar ee ay joogaan. Wixii ay ka qabsan karaana ay ka qabsadaan inta isku-shaandheyna soo socota ay san galaafan. Sidaad fahmi kartaan Wasaaraddu dalka uma shaqeysee waxay la shaqaeysataa ha’adaha aan dowliga ahayn. Waxaa jira mashruucyo dhamaaday iyo kuwa hadda socda oo aan wadanka loogu daneyneyn balse ay ka faaiideyanayaan wasiirada iyo madaxda hay’adaha UNDP,World Bank, African development Bank iyo UNICEF.

 

Haddaba waxaan soo xulay mashruuc ay Wasaaradda iyo UNDP is la wadaan si aan idiin la wadaago waxa mashruucu yahay, sida loo agaasimay iyo saamaynta uu yeelankaro waayaha soo socda. Mashruuca magaciisa waxaa la’yiraa ”Shifting the Energy Paradigm in Somalia”. Waqtiga uu soconayo 2018 ilaa iyo 2020. Wajigiisa koowaad wuxuu bilowday February 2018 wuxuuna dhamaanayaa July 2018. Waxa la qabanaayo waxaa ka mida in la hirgeliyo Xafiis laga maamulo Tamarta Soomaaliya, Coordination Support Office’‘  iyo qodobo kale oo lagu qarinaayo qodobkaan. Mashruucan waxaa si wadajir ah u saxiixay UNDP country Director, George Conway iyo wasiirkii Wasaaradda Salim Caliyow Ibirow.

Dhaqaalaha mashruuca

Dhaqaalaha mushruucan ku baxaaya waa $191 000 oo wasaaraddu iyadu ay maa muleyso. Sida sharciga ah waa in koonto Wasaaraddu leedahay lagu shubaa oo markaa waaxda maaliyadu maamushaa, mase dhicin oo waaxda maaliyadu lama ogeysiin kamana warqabto. Waxaa koonto laga furtay Dahabshiil oo lacagtaas lagu shubtay. Shaqsiyaadka koontada maamulaaya waxaa keensaday wasiirka, ogow shaqaale Wasaardda ka shaqeeyana ma aha.

Shaqaalaha ka shaqeynaya xafiiska

Shaqaluhu waxey isugu jiraan Soomaali iyo ajnabi. Kuwa Soomaalidaa waxaa keensaday wasiirka iyo wasiir ku xigeenka mana aha shaqaale wasaradda u shaqeeya. Shaqooyinkaan lama xayeysiin si loogu tartamo. Dadkaan wasiiradu keensadeen shuruudaha shaqada ma buuxin karaan aqoona uma laha Tamar iyo Siyaasada Tamarta ee larabo inla qoro. UNDP:da laftirkeeda waxbey ka ogtahay wax isdaba marsiinta maxaayeelay waxey shaqaaleynayaan dad aan shuruudaha shaqada buuxinkarin.

 

Shaqada xafiisku qabanaayo

Sida ay sheegeen wajiga koowaad waxaa la qabanayaa laba shaqo tan koowaad xafiiska ayaa la furayaa (la hirgelinayaa) tan labaad waxaa la qorayaa siyaasada Tamarta Qaranka (Energy policy).Waxa ay aad u daneynayaan waa Xafiiska, Coordination Support Office, iyo qorista Siyaasada Tamarta Qaranka. Hadaba su’aashu waxeytahay ayadoon la hayn sharcigii Tamarta sidee loo qoraa sharciga siyaasada Tamarta.

 

Sanadkii tagay bilowgiisii ayaa wasiir Salim wuxuu waaxda Tamarta ku amray in la qoro Sharciga Tamarta. Amarkaasi waa hirgalay, sadax bilood kadib Saalim waxaa gacanta loo galiyeey qabyoqoraalkii sharcigii Tamarta balse ku qoran af-Ingiriis. Si loo horgeeyo golayaasha shacabka waxaa loo baahanyahay in af-Soomaali loo badalo, in la isu keeno maamul goboleedyada iyo shirkadaha korontada si looga dhaadhiciyo oo aay u ogolaadaan oo uu markaas u noqdo mid la isku waafaqsanyahay hadii kale wuxuu noqonaya sharci qolo gaara u daneynaya. Howshaasi ma hirgalin. Mar laweydiiyay wasiir Saalim wuxuu ku jawaabay dhaqaale looma hayo.

 

Haddaba xafiiskan maxay ujeedadu tahay inuu qabto

Si aad xafiiskan u fahamto waxa uu qabanayo waxaa habboon inaad aqrisid warbixin (report) uu qoray Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank, AFDB). Warbixintan waxaa lagu maga caabaa: Somalia Energy Sector Needs Assessment and Investment Programme, waxaana la diyaariyey bishii kow iyo tobnaad 2015. Fiiri boggaan: https://www.afdb.org/fileadmin/uploads/afdb/Documents/Generic

Documents/Final_Somalia_Energy_Sector_Needs_Assessment_FGS__AfDB_November_2015.pdfAqri boga 38, Somali electrification institute.  Waxaa diyaariyey nin layiraa Michel Del Buono.

 

Waa kuma Michel Del Buono:

Michel Del Buono waa nin haysta dhalashada dalka Kanada balse asalkiisii hore ahaa Talyaani. La taliye sare xagga Tamarta African Development Bank, UNDP, AfDB iyo UNDP-Somalia. Saaxiibo badan ayuu kuleeyahay dowlada dhexe ee Soomaaliya.

 

Shaqada hadda uu gacanta ku hayo waa xafiisyadan inuu dhiso. Xafiisyadu waa laba mid waxaa laga furayaa Muqdisho wuxuuna ka howlgalayaa koonfurta Soomaaliya midka kale waxaa laga furayaa Hargeysa wuxuuna ka howlgalayaa Somaliland.

Anigoo kasoo xiganaaya warbixintaan uu qoray Del Bouno xafiiskan wuxuu qabanaayaa howlahan soo socda:

  • Inuu qiimeeyo ansaxiyana siiyana shati (license) dhamaan mashaariicda waxsoo saarka Tamarta korontada. Si kale hadaan u dhahno xafiisku asaga ayaa siinaya Laysinka, Shatiga, (license) shirkadii rabta iney bixiso adeeg kuronto.
  • Xafiisku wuxuu maamulayaa dhaqaalaha ay bixiyaan deeq bixiyaasha ee loogu talagalay dhisida, dayactirka iyo balaarinta shabakadaha qeybinta korontada (distributtion grids) sidoo kale waxey keenayaan khabiiro ka xaajooda ilaaliyana qandaarsyada korontada (power supply contracts).
  • Xafiiskan ma hoos tagidoono Wasaaradda ama waaxdeeda Tamarta.
  • Wuxuu warbixinta siindoonaa deeqbixiyayaasha (New deal committee).
  • Waxaa ka shaqeyndoona shaqaale ajnabi ah iyo kuwo Soomaali ah.

 

Hadaba waxaa isweydiin mudan – hadii xafiiskani howshan qabto maxey Wasaaraddu qabaneysaa? Halkaas waxaa nooga muuqda in wasaaradaba aan loo baahneyn maxaa yeelay shaqadii ay qabanlahayd waxaa qabanaya xafiiskan. Waxaa kale oo isweydiin mudan, maxaa ku qasbay in wasiir Saalim Caliyow uu ogolaado in la hirgeliyo xafiis noocan ah? Xafiis qabanaya howshii Wasaaradiisu qabanlaheyd, shaqadii waaxda Tamarta ay qabanlahayd.

 

Shirkadaha gaarka loo leeyahay maxaa la gudboon?

Shirkadadaha ka shaqeeya bixinta adeegga korontada waxaa hadda ogolaanshaha  (license) siiya Wasaaradda si ay uga ganacsadaan Korontada balse markii xafiiskani uu qaangaaro isaga ayaa howshan la wareegidoona. Xafiiskan waxa looga goleeyahay waa in la koontroolo, xakameeyo,(xukumo) Tamarta, korontada, Soomaaliya si, (lama celinkaro), dibudhac loogu sameeyo koritaanka dhaqaale ee Soomaalida. Soomaalidu waa dad karti u leh iney sameysataan, maal gashadaan, kaabayaashooda dhaqaale sida Isgaarsiinta, Iskoolada, Korontada, Jidadaka iyo isbitaalada iyagoo aan nabadgelyo heysan dhaqaalana meel kale u raadsan. Waa karti aysan laheyn dadka ku nool waddama dariska nala ah.

Waxaa jira laba waxyaalood oo fure u ah in waddan la horumaiyo, midda koowaad waa nabadda, waddanku hadii uusan haysan nabad wax horumar ah oo uu gaarikaraa majiraan. Midda labaad waa Tamarta (korontadda). Hadii aad dhiseyso kaabayaasha dhaqaalaha sida Jidadka waaxaa loo baahanyahay Tamar, hadii aad Warshado dhiseyso waxaa loobaahanyahay Tamar, marka sheyga muhiimadaas leh ma’aha in nin ajnabi ah uu taladeeda iyo go’aankeeda wax yeesho. Waxaa wax laga xumaado ah in wasiir Ibrow furihii horumarka waddanka gacanta u geliyo dad ajnabi ah.

Waddan waliba wuxuu leeyahay siyaasad (Energy policy) iyo sir u qarsoon oo ku saabsan Tamarta waxaana masuul uga ah oo maamula hayadda, Wasaaradda, dowladoodu leedahay ayadaa go’aamisa Tamarta (Korontada) loobaahanyahay, inta ay la’egtahay iyo meesha laga dhalinayo. Wasaaradii noo qaabilsaney Tamarta iyo siyaasadeeda waxaa laga dhigay mid howlgab ah ayadoo aad moodo in lagu xumeynaayo shirkadaha goonida loo leeyahay ee Muqdisho ka howlgala.

Hadaba shirkadaha goonida loo leeyahay waxaa la gudboon iney indhaha kala furaan iskana qabtaan hagardaamada lala damacsanyahay. Waxaa dhici karta in sadaxda shirkadood ee ugu waa weyn magaalada Muqdisha la yiraa shuruudiihii laga rabay ma buuxinkaraan sidaas awged ma bixin karaan adeega Korontada. Markii laga saaro shirkadaha Soomaalida meesha waxaa konton sano (50 sano) qadaraas lagu siinkaraa shirkad ajnabi ah oo Soomaalidu aysan la tartami karin xagg dhaqaale iyo xagg aqoon midna.

Maxaa la gudboon xukuumadda?

  • In lala xisaabtamo dhammaan mas’uuliyiintii wasaaradda soo maray iyo kuwa hadda joogaba.
  • In dib u eegis lagu sameeyo 4.5. Wasiirka, Wasiir kuxigeenka iyo Agaasimaha guud waa isku reer
  • Xafiiskan, Coordination Support Office, ee lagu wado in Tamarta Soomaaliya laga xukumo, la hooskeeno wasaaradda ama asaga dhanba la joojiyo.
  • Waaxyaha wasaaradda in loo soo celiyo shaqadoodii. Waxaa la arkay Wasiiradii oo qabanaya shaqooyinkii Agaasimayaasha waaxyaha.Waxaa dhumay kala sareyntii,’hierarchy’
  • Waxaa haboon in meesha laga saaro shaqaalaha tirada badan ee kumeelgaarka ah ama lagu qeybsado 4.5
  • Waxaa habboon in la xaqiijiyo in Wasaaraddu tahay heer Fedaraal oo aysan ka tirsanayn dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.