100,000 oo qof oo laga joojiyay dal ku galka Maraykanka.

355

19fa0d1d27ca4399af49319e8639724a_18

In ka badan 60,0000 oo dal Ku gal ah (Visa) ayaa la hakiyay ama la kansalay tan iyo intii maamulka cusub ee dalka Maraykanka uu cunoqobatayn dhanka socdaalka ah uu kusoo rogay 7 wadan oo ka mid ah dunida Islaamka, waxaana ka mid ah Soomaaliya.

Muddo hal  Isbuc ah ayaa laga joogaa markii Donald Trump, uu cunoqobatayn socdaal uu Ku soo rogay dalalka Soomaaliya, Suudaan, Yemen, Iiraan, Ciraaq, Libya iyo Syria taasi oo socon doonta mudo 90 maalmood ah.

Waaxda Caddaaladda dalka Maraykanka ayaa laga soo xigtay in 100, 000 oo Viso ah La kansalay.

Talaabadan Mr Trump uu qaaday ayaa sidoo kale waxaa ay muujinaysaa in 120 maalmood Maraykanka uusan qaabili doonin wax qaxooti ah.

Mas’uuliyiin badan oo ay ka mid yihiin xaakimiin iyo kuwo kale ayaa diiday go’aanka Trump.

Dunida meelo badan oo ka mid ah waxaa ka dhacaya dibadbaxyo looga soo horjeedo cunoqobataynta Muslimiinta lagu soo rogay.

Shirkadaha diyaaraha United airline iyo Qatar airways iyo kuwo kale ayaa sheegay in wali ay qaadi doonan rakaabka dalalka cunoqobataynta lagu soo rogay.