Dhaawacyo loo qaaday dalka Suudaan

225

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta qaaday Magaaladda Muqdisho ka qaaday dhaawacyo  kuwaasi oo la gaarsiiyay Magaaladda Khartoum ee Xarunta dalkaasi.

Dhaawacyada ayaa halkaasi waxaa ku  kusoo dhoweeyay Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Suudaan iyo Jaaliyadda  dalkaasi ku nool.

Madaxweynaha Dowladda Sudan, Cumar Albashiir, ayaa ka hadlay qaraxii Zoobe ee dadka badan ay ku dhinteen, isagoo sheegay in Bukaanadda Wadaankaasi gaaray oo gaaraya 23 Qof ay Dowladdiisa u balan qaadeyso in addeeg Caafimaad ay siin doonto, islamarkaana Suudaan ay diyaar u tahay Caawinaada iyo Garab istaaga Soomaaliya, ayna la qeyb saneyso Dhibaatada.

Cumar Albashiir, Madaxweynaha Wadanka Suudaan, ayaa Amray Wasaaradda Caafimaadka ee Wadankaasi in il gaar ah lagu hayo bukaanada Soomaalida ah, loona fidiyo Gargaar caafimaad oo tayo leh, waxaana uu intaas ku daray in xil gaar ah la iska saaro.