Wednesday, December 2, 2020
Home Wararka Maanta Mas’uuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka oo ka qayb galay kulan boroor diiq...

Mas’uuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka oo ka qayb galay kulan boroor diiq ah oo ka dhacay Muqdisho (Sawiro)

250

Mas’uuliyiinta beesha caalamka u jooga magaalada Muqdisho ayaa ka qayb galay munaasabad boroor diiq ah oo ay soo abuubushay Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya.

Waxaa ka qayb galay madaxda xafiiskiisa taageerada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin Dowladda ka socday iyo diblumaasiyiin.

Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa waxaa ay Midnimo u muujiyeen Soomaaliya ayagoo sheegay in ay garab taagan yihiin Soomaaliya.

Waxaa ay cambaareeyeen weerarkii sabtidii hore ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaasi oo sababay dhimashada in ka badan 358 qof.