12 musharax oo diiday inay ka qayb galaan dood wadaaga musharixiinta

339

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta waxaa qorshaha uu ahaa in loo qabto dood wadaag ku aadan doorashada madaxweynaha iyo in mid walba uu soo bandhigo ajandihiisa.

Warar aynu helayno ayaa sheegaya in qaar ka tirsan musharixiinta xilka madaxweynaha ay qaadaceen inay ka qayb galaan dooda.

Wararku waxaa ay sheegayaan in musharixiinta diiday dooda ay tiradoodu gaarayso 12 musharax, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Maxamed Cali Nuur Ameeriko iyo Maxamuud Ahmed Nuur Tarsan.

Dooda ayaa la filayay inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana qorshuhu ahaa inay dhexmarto 12 musharax.

Qaar ka mida ah musharixiinta diiday inay dooda ka qayb galaan aya waxaa ay sheegayaan in la isku haysto cidda tabinaysa iyo cidda dhex dhexaadinaysa.

Waxaa ah sheegeen in loo diiday warbaahinta madax banaan ee dalka.

Gelinka dambe ee maanta waxaa lagu wadaa inay warbaahinta la hadlaan musharixiinta diiday inay dooda ka qayb galaan.