126 Tahriibayaal ah oo badda Mediterranean-ka ku geeriyooday

239

0c83ea34fa1a47c09596ee78b2f78071_18

In ka badan 126 Tahriibayaal ah ayaa la rumaysan yahay inay Ku dhinteen badda Mediterranean- ka kuwaasi oo isku dayay inay gaaraan dalalka Yurub.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka adduunka ee (IOM) International Organization for Migration ayaa sheegtay in dadkan khamiistii lasoo dhaafay kasoo ambabaxeen xeebaha dalka Libya.

Flavio Di Giacomo, afhayeenka (IOM) ayaa sheegay in 126 qof ay rumaysan yihiin inay geeriyoodeen, isagoo eed dusha uga tuuray kooxaha dadka xambaara ee ka qaraabta dalka Libya.

Geerida dadkan ayaa timid ka dib markii sida la sheegay la xaday matoorka Doonta ay saarnaayeen.

IOM ayaa sheegtay in muhaajiriintan badankood ay u dhasheen dalka Suudaan.

Kalluumaysato u dhashay dalka Libya ayaa soo badbaadiyay Afar ruux oo u kala dhashay dalalka Nigeria iyo Suudaan.

In ka badan 14, 1,828 oo qof ayaa sanadkan oo Kali ah Ku geeriyooday badda Mediterranean ka, sida ay sheegtay (IOM).