140 askari oo lagu dilay weerar ka dhacay Afghanistan

262

Afghan

Saraakiisha dowladda ee ku sugan waqooyiga Afghanistan ayaa sheegay in, in ka badan 140 ciidamada dowladda ah la dilay kadib markii dagaalyahanada Taliban ay weerareen saldhig milateri oo ku yaala duleedka magaalada Mazar-i-Sharif.

Dagaalyahanada weerarka soo qaaday ayaa bartilmaameedsaday masjid iyo goob lagu qadeeyo oo saldhiga ku dhex yaal, waxaana dagaalku socday sacaado.

Ugu yaraan toban ka tirsan dagaalyahanada Taliban ayaa dagaalkaasi ku dhintay.

Weerarada lala bartilmaamedsanayo ciidammada Afghanistan ayaan ahayn arrin cusub ayadoo gobolka waqooyiga dalka ku yaala ee Kunduz ayaa marar badan Taliban laga saaray, hase ahaate magaalada Mazar-i-Sharif mudooyinkii u dambeeyey ma uusan soo marin weerar kan lamid ahi.