140 Qaxooti Soomaali ah oo ku soo wajahan magaalada Berbera

345
Somali nationals accompanied by their children rest at Aden Abdulle International Airport terminal in Mogadishu upon returning from Yemen on February 23, 2017. At least 106 Somali nationals arrived on the flight organized by the International Organization for Migration. UN Photo / Ilyas Ahmed

Qunsuliyadda Soomaaliya ee  dalka Yemen ,Hay’adda Qaxootiga Qaranka Soomaaliyeed iyo Hay’addo kale oo iskaashanaya ayaa suurtageliyay in ay soo daadgureeyaan dad badan oo Soomaaliyeed  oo ay Saameeyeen dagaallada ka socda dalka Yemen.

Qunsulka Guud ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan , oo loo yaqaano Axmed Suudaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa  sheegay in dad badan in ay ka soo badbaadiyeen dagaalada dalka Yemen Gaar ahaan Magaalada Cadan.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in  ay Wali Socoto daadgureeynta  dadka Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Cadan .

Waxaa uu sheegay in dooni ay soo saareen 140 qoys oo Soomaaliyeed ,maanta Gelinka dambana ay soo gaari doonaan Magaalada Berbera.

Dadkaan ayaa badankood waxa ay kasoo jeedeen Koonfurta Soomaaliya , waxaana diyaarad looga soo qaadi doona Magaalada Berbera,iyadoona lasoo gaarsiin doono Muqdisho.

Tan iyo markii dagaalada ay ka bilowdeen dalka Yemen , waxaa socday dadaalo kala duwan oo lagu soo daad guraynaayo dadka ay dhibaato ku heysato Magaalooyinka ay dagaalladu ka socdaan ee dalka Yemen

23 kii bishii Febraayo ee sanadkan 2017 ka waxaa magaalada Moqdisho soo gaaray qoyasas badan oo ka soo cararay rabshadaha dalka Yemen, waxaa dadkaasi diyaarado ganacsi ay kazoo daad-guraysay magaalada Berbera ee Maamulka Soomaaliland.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka Adduunka ee IOM ayaa gacan wayn ka gaysatay soo laabashada dadkan