1,500 AMISOM ah oo Soomaaliya ka baxaya

184

Kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga Afrika  u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madera ayaa shaaciyay Tirada Ciidamada ugu horeeya ee howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka baxaya Dabayaaqada sanadkaan taasi oo qeyb ka ah qorshe ay ciidamada Amisom kaga baxayaan guud ahaan dalka.

Danjire Madeira, ayaa xusay in sanadkaan dhamaadkiisa ay Soomaaliya ka baxayaan ilaa 1,500 oo Askari oo dalkooda dib ugu laaban doono.

Waxaa uu intaa  ku daray in si tartiib tartiib ah uga baxayaan dalka ilaa ciidamada Dalka ay la wareegaan Amnigooda.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya Mr Francisco Madeira ayaa beeniyay in Ciidamo Cusub oo itoobiyaan ah ay soo gaareyn Soomaaliya waxa uuna been abuur ku tilmaamay wararka ay baahiyeen Warbaahinta Dalka.

Hadalkan ka soo baxay taliska Amisom ayaa imaanaya xili ciidamada xooga dalku ay isku diyaarinayaan sidii ay u hanan lahaayeen guud ahaan xasilinta amniga dalka.

Dhawaan waxaa bilowday howlgalo ballaaran iyadoo Alshabaab laga qabsaday deegaano dhowr ah.