Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo muddooyinkaan ku sugnaa cisbitaalo ku yaala magaalada Muqdisho, ayaa la gaarsiiyay dalka Boqortooyada Sacuudiga ,ka dib markii Dowladda Soomaliya ay wadankaasi ka heshay kaalmo caafimaad.
Ciidamadaan ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay 16 askari .
Warku wuxuu intaa ku daraya in Askartaasi ay qabaan dhaawacyo kuwaasi oo ay ka qeybgalay dagaallo looga horjeeday dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, halka qaar kale ay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Gaanshaandhiga dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale,ayaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay ciidamadaasi loo qaaday daaweyn dhinaca dibadda ah.