Ugu yeraan 20 qof ayaa geeriyootay in ka badan 50 kalena waa ay dhaawacmeen, ka dib markii maanta oo Sabti ah qaraxyo ay ka dhaceen wadanka Bakistaan.
Qaraxa ayaa ka dhacay suuaqa Qudaarta Eidgah ee magaalada Parachinar, oo ku taala gobalka Qabaa’ilada ay ku xoogan yihiin ee Waqooyi galbeed ee dalkaasi Bakistaan.
Kurram Ikramullah, oo ah Sarkaal Maxali ah ayaa Aljazeera, u sheegay in qaraxa uu sababay geerida 20 qof iyo dhaawaca 50 kale.
Qaraxa ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa mid lagu soo dhex qariyay qudaarta suuqa lagu iibiyo.
Gobalkan ayaa waxaa mudooyinkan ka taagnaa xisado u dhaxeeya Shiicada iyo suniyiinta wada degan gobalkaasi.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.