22 qof oo ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Manchester

221

96167853_get3-640x360

In ka badan 22 qof ayaa ku dhimatay 50 kalana way ku dhaawacantay weerar ka dhacay  goob  lagu qabto munaasabadaha heesaha oo ku taalla magaalada Manchester ee dalka Britain.

Qarax xooggan ayaa la sheegay in uu ka dhacay iridda Hore ee Xarunta ay ku sugnaayeen dadka dhintay .

Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay Mareykanka ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay heeso ka qaadaysay.

Boosteejada tareenada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

Waxa sababay qaraxa lama garanayo, balse ra’iisal wasaaraha Britain, Teresa May, ayaa sheegtay in falkani ula dhaqmayaan inuu yahay mid argagixisnimo.

Warar aan la xaqiijinin oo laga soo xigtay  mas’uuliyiin aan magacooda la sheegin oo Mareykan ah ayaa sheegaya in qof is qarxiyay uu weerarkaasi geystay.

96167853_get3-640x360 96167809_pa2-640x360 96167808_pa1-640x360 96167806_get-640x360 96167755_reu2-640x360 96167754_reu-640x360 96167173_hi039644422-1