37 Madaxwayne, 49 Wasiir iyo 4,000 oo qof oo ka qayb-galaya Shirka Midowga Afrika

549
midowga afrika

Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika ayaa ku sii qurlqulaya caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, si ay uga qeybgalaan shir madaxeedka 28 -aad ee qaaradda oo maalinimada barri ah ka furmaya dalkaas.

Madaxda illaa hadda gaartay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa ka mid ah, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Zambia Edgar Lungu, madaxweynaha Mali Abubakar Keita, madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, madaxweynaha Senegal Macky Sall, madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, madaxweyne ku-xigeenka Cote d’lvoire Daniel Kaplan, Ra’iisul Wasaaraha Swaziland Barnabas Sibusiso Dlamini.

Shirka waxaa  ka qeybgalaya markii ugu horreysay muddo dheer kadib boqorka Morocco ee boqor Maxamedka Lixaad.

Waxaa  sidoo kale shirkan ka  qeybgalaya madaxweynayaasha 37 dowladood  oo Africa ah 3 madaxweyne ku-xigeen, 49 wasiir arrimo dibadeed, iyo in ka badan 4 kun oo qof oo iskugu jira ganacsato, korjoogayaal iyo marti sharaf shirka lagu casuumay.

Dalka Morocco ayaa ka baxay midowga Afrika sanadkii 1984, kadib markii loo ogolaaday midowga jabhadda goonni u goosadka ah ee  ka dagaalanta saxaraha Marocco ee la yiraahdo “Polisario” inkastoo wadan ahaan aan loo aqoonsan Jamhuuriyadda la magacbaxday Saharaha Galbeed.

Anadolu Agency