KULAN LAGU WADAY IN BARLAMAANKU U FADHIISTO OO BAAQDAY

410

KULAN

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya saaka ku yeelan lahaa xarunta Golaha shacabka ayaa maanta dib u dhac ku yimid, iyadoo kulanka maanta lagaga doodi lahaa mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo cod u qaadista heshiiskii Shirkada Favori ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee magaalada Muqdisho Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka kulankii saaka ayaa u baaqday dano gaar ah, iyadoo haatan kulan albaabada u xiran yahay Gudoonka Baarlamaanka iyo Gudiyada joogtada Baarlamaanka uu ka socdo xarunta Villa Hargeysa.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in kulankan looga arinsanayo xaalada siyaasadeed ee dalka, iyo sidii xal looga gaari lahaa, waxaana shir gudoominaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari.

Inkastoo aanu Gudoonka Baarlamaanka soo saarin war cad oo ku saabsan dib u dhicii maanta ee kulanka baarlamaanka, ayaa hadana kulamada kala duwan ee ka socda magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo kala ujeedo ah.

Qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho ayaa waxaa shir ku yeeshay Xildhibaanadii ugu baaqay Madaxweynaha inuu is casilo, waxaana la sheegay in Xildhibaanadan ay isu diyaarinayaan wajiga labaad ee tallaabadooda ku wajahan Madaxweynaha.

Xildhibaanadan ayaa qorsheynaya inay diyaariyaan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha, iyagoo wali sugaya jawaabta Madaxweynaha ee ku aadan warqadoodii tala soo jeedinta ee ah inuu is casilo ee ay gudbiyeen maalintii khamiistii.

Kulamada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Madaxweynaha uu ku maqan yahay dalka Uganda, lana filayo in saacadaha soo socda uu dib ugu soo laabto.

www.xaqiiqa.com