Sawiro: 74 mayd ah oo laga helay xeebaha dalka Libya

433

Wararka laga helayo dalka Libya ayaa waxaa ay sheegayaan in badda ay soo tuftay in ka badan 74 oo mayd ah kuwaasi oo la aaminsan yahay inay ahaayeen Tahriibayaal African ah, kuwaasi oo u socdalayay dalalka Yurub.

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Libya ayaa sheegtay in wali ay socoto howgalada lagu soo saarayo maydadka.

Sawirada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya in musiibadaasi ay tahay mid aad u daran.

230 qof oo aan lagu darin maydadka maanta la helay ayaa badda Mediterranean ka Ku geeriyooday tan iyo bilowga sanadkan 2017, kuwasi oo intooda badan ahaa muhaajirin Afrikan ah.

Sanadkii 2016 tirda badda Ku dhintay ayaa ka batay  181,000 oo qof.

Halkan ka daawo Sawirada goobta laga soo qaaday

IMG_20170221_185317IMG_20170221_181126IMG_20170221_185310IMG_20170221_181131