Turkiga oo deeq u diray Jamhuuriyadda Jabuuti

345

thumbs_b_c_5f6297e1bef1448ed9952a9b62915d81

Dowladda Turkiga, ayaa deeq qalabka waxbarashada ah u dirtay dalka Jabuuti.

Hay’adda Deeqaha iyo hormarinta u qaabilsan dowladda Turkiga ee TIKA, ayaa jimcaha maanta deeq waxbarasho oo isugu jirta boogag, boorsooyinka carruuta iskuulka iyo kuwo Kale u dirtay jamhuuriyadda yer ee Jabuuti.

TIKA ayaa sheegtay in 400 oo qalabka waxbarashada sida Laabtoobyada iyo qalb Kale ay u direen Jabuuti taasi oo lagu wareejin doono wasaaradda waxbarashada dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qalabkan ayaa loogu talagalay inay ka faa’idaysaan ardayda yer-yer ee iskuulada dhigta.

Hay’adda TIKA,oo la aas-aasay sanadkii 1992 ayaa Turkiga u qaabilsan xiriirka siyaasadda Caalamiga ah hormarinta iyo deeqaha.

Jabuuti, oo ah dal ay Ku nool yihiin dad aan ka badnayn Hal million ayaa Ku yaala geeska Africa gaar ahaan badda Cas iyo gacanka Cadmeed.